Nin Ruush ah oo Lacago Farabadan Kaga Qaatay CIA Siro uu Ka Hayo Madaxweyne “Trump” Darteed

Warbixin ay soo saartay jariidada “New York Times” ayaa daaha ka rogtay in wakaaladda sirdoonka Mareykanka ee CIA ay bixisay lacago baad ah oo gaaraysa illaa $100,000 oo ay siisay nin Ruush ah oo la sheegay inuu siro ka hayo madaxweyne Trump.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in CIA laga soo bilaabo sanadkii 2017 ay Hackers Ruush ah kasoo ceshadeen barnaamijyo laga xaday Ha’adda Nabadsugidda Qaranka Mareykanka.

Ninkan Ruushka ah oo aan qofka uu yahay la shaacin, laakiin la tilmaamayo inuu xiriir la leeyahay dambiyada dhanka electrooniga ah iyo sirdoonk Ruushka, ayaa sirta uu madaxweyne Trump ka hayo waxa uu kusoo bandhigay shabakadda “Shadow Broker” ee dillaaleyd hooska ay leeyihiin, si xogta uu hayo loogu suuq geeyo.

Ninkan ayaa waxa si hordhac ah loo siiyay lacag gaareysa $100,000 (boqol kun oo dollar) oo si horumaris ah loo siiyay. Iyadoo lacagaha lagula heshiiyayna ay gaareyso illaa halmiyan oo dollar.

Ninkan ayaa dhowr jeer oo hore ku hanjabay inuu soo bandhigi doono document sir ah oo dhibaato ku ah madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, waxaana ka mid ah lacago wax is dabamarin ah iyo muuqaallo anshax xumo ah.

Dhacdadan ayaa waxaa sdioo kale soo bandhigtay jariidada electronic ah ee ka hadasha arrimaha ammaanka ee la yiraahdo “Intercept”. Jariidadani waxay tilmaantay in dhacdadani ay khilaaf ka dhex dhalisay CIA uu madaxda ka yahay Mike Pompeo oo aad ugu dhaw madaxweyne Trump.

Maandeeq FM