5 Buug oo Noloshaada Wax Badan Ka Bedeli Kara

Warren Buffett oo ka mid ahaa ganacsatadii Mareykanka ugu caansaneyd, markii wax laga waydiiyay sirta uu hantida ku tacbay, waxa uu ku jawaabay waxaan akhriyaa maalintii 500 bog, isagoo tilmaamayay sida wax akhriskiisu u badan yahay.

Laakiin, nasiibdarro haddii aad shaqeyso maalintii 5 illaa 9 saacadood, akhrintaa faraha badan ee la midka ah tan Buffett kuuma suurtogelayso, waa sida uu quray Blinkist Magazine.

Laakiin adigoon wakhti badan gelin ayaad akhrin kartaa buugaagtan 5-ta ah oo noloshaada waxbadan ka bedeli kara.

  1. Thirteen Things Mentally Strong People don’t do (13 sheey oo dadka awooda badani aaney sameyn), waxaa qortay Amy Morin.

Nasiibdarro kama carari kartid, laakiin habka aad ula dhaqanto waxbaad ka bedeli kartaa, adigoo buuggan akhrinaya.

  1. Sideed walwalka u joojin kartaa “How to Stop Worrying and Start Living” ee uu qoray Dale Garnegie.

Isku day inaad markasta ka fogaato goobaha walwalka, ka fogow xaaladaha taban ee aan wanaagsaneyn.

  1. Sideed noloshaada ku qiyaasi kartaa “How Will You Measure Your Life”. Waxaa qoray James Allworth & Karen Dillon.

Xilliga shaqada maxaa ku farxadgelin kara, ma mushaarka oo laguu kordhiyaa mise saaxiibadaa oo aad garab wanaagsan iyo wada shaqeyn fiican ka hesho..

  1. “Baadi Goob waxa kuu gaarka ah” Finding Your Element”, waxaa qoray Ken Robinson & Lou Aronica.

Qof kasta waxa uu leeyahay talent iyo hibo u gaar ah uu dadka kale kaga fiican yahay, laakiin haddii aadan ogayn, waxaa kaa garab siinkara sidii aad ku heli lahayd buuggan oo aad akhriso.

  1. Caqliga Dareenka “Emotional Intelligence”, waxaa qoray Daniel Goleman.

Haddii dareenku uu kaa daciifo oo dhanka damiirka aad qaleyl ka dareento, buugani waxa uu garab siinayaa inaad ogaato waxyaabaha saameynta kugu leh go’aanadaada iyo dareenkaagana maamula ee inaad ogaataa lagama maarmaanka tahay.

Maandeeq FM