Cilmibaarayaal Helay Sabab Cusub oo Dadku Dambiyada u Galaan

Cilmibaarayaal Mareykan ah ayaa sabab cusub kusoo kordhiyay sare uka dambiyada adduunka waxyaabaha dhaliya, sababtan ay soo kordhiyeen ayaa ka duwan kuwii horey loo yaqaannay ee loo aaneyn jiray iney dambiyada keenaan.

Cilmibaayaal ka tirsan kulliyadda Columbia Business School ee New York ayaa daraasad ay sameeyeen ku ogaaday in sababaha dambiyada keena casrigan aan ku noolnahay ay ka mid tahay hawo-wasakhowga, khatar kuma aha caafimaadka jirka oo qura, waxa uu khatar ku yahay caafimaadka caqliga iyo xaaladda nafsiyadeed ee dadka magaalooyinka waaweyn ee heerka hawo-wasakhowgu uu sarreeyo.

Daraasaddan oo laga sameeyay 9360- magaalo oo gudaha Mareykanka ku yaalla,  muddo 9 sano ahna qaadatay, ayaa laga gaaray natiijo ah in sare u kaca dambiyada ku badan yahay magaalooyinka waaweyn ee heerka hawo-wasakhowgu ku sarreeyo.

Sababihii horey loo yaqaanney ee dambiyada waxaa ka mid ahaa; faqriga, dabaqadda uu qofku ka tirsan yahay, shaqo la’aanta, ….

Khubarada ayaa carrabka ku adkeeyay in kor u kaca 7 nooc ah oo damiyada ka tirsan magaalooyinka hawo-wasakhowgu ku badan yahay lagu arkay, waxaa ka mid ah; boobka, dhaca, dilka. Khubarada ayaa ka digaya in heerka dambiyada adduunka uu kor-u-kac uu ku yimid, arrini ah hawo-wasakhowga waxay noqotay mushkilad caalami ah oo haysta balaayiin qof oo dunida dusheeda ku nool.

Maandeeq FM