Guryo Smarts ah oo Si Toos ah Ula Xiriiraya Dhakhaatiirta & Isbitaallada Gudaha UK

Adeegga caafimaadka Britain ayaa go’aan saday iney dhaqangeliyaan teknoolajiyad  guryaha ee smarts-ka ah; si dadka guryahaa dagan u heleen talooyin caafimaad xaaladoodana loola socdo iyagoon guriga ka bixin. Guryahan  waxaa ku xiran shabakad teknoolajiyad ah oo si toos ah ula xiriiraysa dhakhaatiirta xilliyada gurmadka degdegga ah loo baahan yahay.

Jariidada “Telegraph” ayaa sheegtay in qorshahan cusub ee heerka Qaran gaarsiisan uu yahay mid guryaha la dhisayo looga dhigayo “guryo caafimaad” oo qoysaska ku dhiirigelinaya iney sameeyaan tallaabooyinka caafimaad ee lagama maarmaanka u ah noloshooda, dhakhaatiirtuna waxay ka heli karaan baaritaanno degdeg ah, si qorka isagoon guriga ka bixin dawada si dhakhsiyo ah uu ugu helo.

Tallaabadan cusub ayaa, jariidada Telegraph sheegayso, waxaa lagu bilaabayaa 10 magaalo oo yaryar oo la isku xirayo si ay u noqdaan magaalooyin caafimaad, kadib ayaa dhammaan waddanka oo dhan la gaarsiinayaan, dadka guryaha dhisana waxaa lagu wargeliyay iney ka dhigaan kuwo teknoolajiyadda Smarts-ka ee caafimaad ah ku shaqeeya, si loola socdo caafimaadkooda, daryeelka joogtada ah ee lagama maarmaanka ahna loogu helo dadka dhibaatooyinka caafimaad ay haysataan.

Guryahan smarts ah ayaa wata qalab dareen sare leh oo smarts ah oo ku xiran computer, waxaa suurotogal ah in shaashadaha computer-kaa aad ka dheehato talooyin caafimaad marka heerka waxqabadka jirku uu hoos u dhaco.

Maandeeq FM