Jaamacadda Harvard oo Yeelatay Guddoomiyihii 29aad

Jaamacadda Harvard ayaa Guddoomiyeheeda 29 u dooratay Lawrence S. Bacow si uu u noqdo madaxweynaha jamaacadda bilowga bisha July 1, 2018. Waxay jaamacaddu ku tilmaantay inuu yahay hogaamiye khibradda badan oo ixtiraam ku leh waxbarashada sare ee Mareykanka.

Bacow ayaa horey guddoomiye uga soo noqday jaamacadda Tufts oo muddo 10 sano ah uu madaxweyne ka ahaa. Waxaanuu bedelayaa haweenaydii ugu horreysay ee jaamacadda madax ka noqota, waa Drew Faust.

William Lee oo ah khabiir ka tirsan mu’asasada Harvard , kana mid ahaa guddiga baadigoobka madaxa jaamacadda ayaa yiri: “Lawrence Bacow waa hoggaamiye guulo badan, waa shakhsi cajiib ah, saameynna ku leh waxbarashada sare ee Mareykanka.”

Waxa uu intaa sii raaciyay: “Shaqdan si wanaagsan ayuu uga soo bixi doonaan, khibraddiisa oo qura maaha ee sida mugga leh ee uu u ogyahay howsha hortaalla, fursadaha uu haysto iyo caqabadaha ka horimaan kara. Waxa uu kor u qaadi doonaan jaamacadda iyo qof kasta oo dhex jooga, adduunka oo dhanna wuu u adeegi doonaa.”

Bacow oo magacaabistiisa ka hadlay ayaa yiri: “Qolooyinka hela sharafta maamulka jaamacaddan, waxaa gacanta loo geliyay kalsooni qaali ah… waxaan ballanqaadayaa inaad dadaalkeyga oo dhan iskugu geeyo sidii aan u muujin lahaa inaan u qalmo howsha la ii igmaday.”

Bacow waxa uu wax ku bartay mac’hadka Massachusetts ee technology-yadda, saddex darajo oo kala duwan oo cilmi ah waxa uu ka haystaa jaamacadda Harvard.  Muddo 24 sano ah ayuu ka shaqeynayay mac’hadka Massachusetts.

Faust oo noqotay haweynaydii ugu horreysay ee jaamacadda guddoomiye ka noqota ku dhawaad 380 sano, ayaa ku dhawaaqday June-tii lasoo dhaafay in ay xilka madaxa sare ee jaamacadda Harvard ka degi doonto marka la gaaro dhamaadka sanad waxbarasheedka jaamacadda.

Maandeeq FM