Waxwalba oo Aad Uga Baahan Tahay “Biyaha Cad” ee Isha Wiilkeeda Ku Dhasha

Dhibaatooyin farabadan ayaa indhaha soo waajaha, “Biyaha Cad” ee Cataract loo yaqaanno ayaa ka mid ah oo dadka waayeelka ah ku badan, biyahan mushkilado farabadan oo caafimaad ayay leeyihiin oo indha la’aantu ugu daran tahay.

Sida lagu daabacay website-ka “Allaboutvision” oo si wanaagsan uga hadlay mushkiladdan caafimaad, ayaan waxaan idiin soo gudbineynaa su’aalo iyo jawaabo cudurka Cataract ku saabsan oo aan si gaar ah idiinku soo xulnay:-

S: Waa maxay Biyaha Cad ee isha wiilkeeda ku dhasha?

J: Cataract waa har isha wiilkeeda lagu arko oo aragtida daciifiya, wax akhriskana qofka ku adkeeya, aragtidana humaag gleiya.

S: Sababaha Keena Maxaa ka mid ah?

J:

  1. Da’da, oo dadka waayeelku ay ugu nugulyihiin
  2. Cudurka Sonkorowga oo ah kan ugu badan ee laga qaado.
  3. Qalliin hore isha loogu sameeyay.
  4. Dhiig-kar xoog badan oo qofka ku dhufta.

S: Astaamaha lagu garto waxaa ka mid ah?

  1. Aragtida oo qofka ka daciifta.
  2. Iftiinku oo qofka xasaasiyad ku noqda oo xamili kari waaya.
  3. Xanuun daran oo qofku dareemayo marka uu shey si wanaagsan u eego.
  4. Aragtida qofka ku adkaaneysa

S: Sidee loo daaweeyo?

J: Marka uu qofka bukaanka ah calamadahaa aan soo sheegnay uu isku arko waa inuu isla markiiba dhakhtar booqdaa, inta badanna qalliin ayaa lagu sameeyaa.

Maandeeq FM