9 Sababood oo Kuu Diidaya Inaad Ka Qeybgasho Doodaha Ka Furan Baraha Bushada

 

Mararka qaar waxaan lugaha la galnaa doodo aan tamarteenna oo dhan ku bixinno si aan ugu guuleysan lahayn ra’yigeennu inuu sax yahay u muujin lahayn, dadka kalena iney khaldan yihiin ku tusin lahayn.

Weli ma is weydiisay Maxaan sidaa u sameynnaa? Maxaan doodaha noocaas oo kale uga qeybgalnaa? Marka aad dib u xasuusato wakhtiga kaaga lumay doodahaas si aad ah ayaad uga qoomameysaa, gaar ahaan marka aad tahay qof wakhtiga qadariya, naftiisuna ay qiimo la leedahay.

Hadaba, waxaa idiin soo gudbineynaa 9 sababood oo aad uga dheeraan karto doodaha faraha looga gubto ee ka dhex socda baraha bulshada.

  1. Wakhtiga oo kaaga lumaya, shabakadda NBC ee dalka Mareykanka laga leeyahay ayaa sheegtay in wakhtiga ay dadku ku qaateen doodo barta Facebook ka furan ay gaartay 55 bilyan oo saacadood sanadkii 2009. Wakhtigaa halkaa ku lumay weligii dib uma soo noqonayo.
  2. Fikiraagu adiga ayuu kuu gaar yahay

Waxaa muhiim ah inaan fahamno in dadka oo dhani aaney isku ra’yi ahayn, markaad wax qoreyso waa inaad ogaataa in dadbadan oo kaa fikir duwani ay jiraan.

  1. Ma muhiimbaa?

Su’aashaa jawaabteedu waa maya, muhiim mahaa inaad doodo ka qeybgasho ama adiguba aad ka furto Facebook, dhacdooyinka Facebook lagu daabaco intooda badani nolosheenna gaarka ah si toos ah uma saameeyaan, sababtuna waa taa.

  1. Looma baahna inaad cid gaar ah cadaadis saarto

Adduunka aan maanta ku noolnahay dhibaato ku filan ayaa taalla, shaqo la’aan baahsan, dhibaatooyin caruurta ee waxbarasho la’aan ay ka mid tahay, lacagtii oo gobollada qaar aan ka shaqeynayn(Hiiraan oo kale waa lagu dhib qabaa), sidaa darteed khubarada caafimaadka nafsiga ku takhasusay waxay leeyihiin doodaha waa inaan ka fogaannaa mushaakilka ayuunbay sii kordhiyaan.

  1. Dadka qaar waxay jecelyihiin in dhankooda lasoo eego oo ay dad badan soo jiitaan

Marka qof uu Facebook ku faafiyo sawirada ilmayar oo u dhashay, waxaad noqoneysaa qofka ugu horreeyay ee u hambalyeeya, laakiin markaad aragto qof dad kale wax ka sheegaya ogow inuu isagu si dadban isku ammaanayo, markaa iska ilaali xaaladaasi oo kale ma habboona inaad isku daaliso oo aad wakhti ku lumiso.

  1. Shabaq u daadsan dadka qaar oo ay wax ku ugaarsadaan

Shakhsiyaadka qaar ayaa waxay soo bandhigaan mawaadiic muran badan dhaliya oo dadku si filiqsan uga dareen celiyaan, mararka qaar waxaa muhiim ah inaadan doodahaas oo kale ka qeybgelin si felcelinta aan wanaagsaneyn u yareyso.

  1. Wararka Marin habaabinta ah iyo kan been-abuurka ah

Waxaa hubaal ah in warar badan oo marin habaabin ah ama been-abuur ah ay ka buuxaan barta Facebook, inta badan wararkaa waxaa loo faafiyaa si sheeko gaar ah loo iibgeeyo, waana taktiko ay dadbadani isticmaalaan. Soomaalidu horeya ayay u tiri “Waxwalba run moodaa ragga ugu liita.”, adigoon hubsan waxa la sheegayo qoorta halagelin. Wax kasta oo aad ka shakisana ka fogow.

  1. Ogow dadka khubarada ah doodo kama furan Facebook
  2. Ha caroon. Haddii aad aragto qof ra’yiga kugu khilaafsan ha caroon oo comment caro leh horey haka qorin. Ugu dambeyn qof kastaaba waxa uu haystaa goob uu ku hadli karo ra’yigiisana uu ku sheegan karo. Haddii ra’yiga uu qof kale leeyahay waxaa muhiim ah inaan indhaha ku haynno xitaa haddii aan ra’yiga ku kala duwan nahay, waxaa jira “Ixtiraam laba dhinac ah” oo ay muhiim tahay in la is weydaarsado.

Ugu dambeyn, Mar haddii aad talooyinkan hesho waxaa muhiim ah inaad ku dhaqanto, gabyaa Carbeed oo la oranjiray “Al-Ruumi” ayaa yiri: “Fanka garashada waxaa ka mid ah barashada marka ay tahay in shay la iska indha tiro.”

Maqaalkan waxaa lagu daabcay “Huffingtonpost“, Waxaana lagu tarjmay “Maandeeq FM”