Dalka Belgium oo Laga Doodayo In Luqadda Carabigu Noqoto Luqadda Waxbarashada!

Waxaa dood badani ka socotaa dalka Belgium, kadib markii wasiirka maaliyadda dalkaasi uu ku baaqay in iskuulaadka dowladda lagu dhigo luqadda Carabiga.

Andre Flahaut ayaa eedaymo farabadan kala kulmay siyaasiyiinta ay isku waddanka yihiin, waxaanuu naftiisa ku difaacay maqaal iyo sawirro uu kasoo qaatay “Qur’aanka Kariimka”, gaar ahan Suuradda al-Ma’ida, waxa uu si wanaagsan u sharraxay sababta uu hortabinta uga dhigtay in Luqadda Carabiga lagu barto dalkiisa.

Wasiirka ayaa waxaa daba-dhigtay siyaasiyiin aad u dhaliilsan fikraddiisa oo ol’ole lagaga soo horjeedo ka abaabulay Twitter iyo Facebook, arrintu heerkaa way kasii gudubtay oo telefishinnada ayay gaartay in lagaga doodo.

Wasiir ka tirsan xukuumadda oo la yiraahdo Loubna Azghoud ayaa la hadlay barnaamijka “It’s not Every day Sunday” ee dhanka telefishinka kasoo gala si arrinta wasiir Flahaut uu uga doodo una falanqeeyo.

Hadalladii ugu adkaa ee uu sheegay waxaa ka mid ahaa “Ma jiro wax keeni kara in luqadaha waxbarashada ee rasmiga ah ee Faransiiska, Dutch-ka iyo Jarmalka aan ugu bedelno luqadda Carabiga, aragtidayda; waxaan filayaa in arrintani tahay dardaaran waalidkii kula dardaarmay.. waxaanan jeclaan lahaa inaan xilli kale ma qalo.”

Wasiir Flahaut ayaa ku doodaya in luqadda Carabiga oo la barto aaney waxba ku jabneyn: “In luqadda Carabiga la barto maxaan ugu doodi waayay? Niyadayda kuma jirto inaan cidna khasbo, danta aan lahaa waa inaan arrinta albaabada u furo, waa fursad dhab ah oo aan wax ka kororsan karno, in Carabi la bartaa siday dhibaato noogu noqon kartaa?”.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Arrintu ma taagna inaan luqadaheennii hore bedelno oo Carabi ku bedelno.. qofna ma doonayo in luqadda aan ku midaysannahay wax laga bedelo.”

Dalka Belgium ayaa luqaddiisa rasmiga ah ay tahay saddexda luqadood ee kala ah Dutch, Faransiis iyo Jarmal.  Sharci soo baxay 1963 ayaa dhigaya in saddexda Luqadood ee rasmiga ah Belgium mid kastaaba gobol ay u gaar noqoto, bulshada “Flemish” ee dagan waqooyiga waxay ku hadlaan luqadda Dutch-ka, bulshada ku dhaqan Koonfurta ay ku hadlaan Faransiiska, halka bulshada Jarmalka ku hadashaa ay dagan yihiin bariga, dhanka xuduudda Jarmalka.

Maandeeq FM