Ka Digtoonow Khatarta Ay Hurdadu Yeelan Karto!

Cimibaaris laga sameeyay akaademiyada “Hurdada” Mareykanka “American Academy of Sleep Medicine (AASM)” ayaa lagu ogaaday in hurada baahida qofka ka dheeraadka ah ay jirka gaarsiiso dhibaato ka badan hurdo yarida.

Tursaale ahaan, haddii qofku uu seexdo 10 saacadood, waxay u nugleysiisaa cudurrada wadnaha iyo sonkorowga, waxayna dhibaato gaarsiisaa neerfayasha, jirkana baruur ayay ku kordhisaa.

Haweenaydan cilmibaaraha ah ee la yiraahdo Janet Croft oo ka hadashay natiijada daraasaddan ayaa tiri, Saacadaha hurdada ee aan caafimaadka ahayn iyo cudurrada mudada dheer qofku la nooladaa waxay saameeyaan taban ku yeeshaan xaaladda nafsi ahaaneed, waxayna jirka ku kordhiyaan baruurta.

Culumada-saynisku waxay carrabka ku adkeynayaan xaqiiqo la ogaaday oo sheegaysa in qofka marka uu dhaafo 45 sano uu u baahan yahay  hurdo 7 illaa 9 saacadood maalintii, iyadoo lagama maarmaan ay tahay in wakhti go’an uu qofku seexdo, waxaa markaa hagaageysa xaaladda caafimaad ee qofka iyo niyaddiisa, waxaanuu ka adkaanayaa cudurro badan oo kuwa mudada dheer lala noolaadaa ka qeyb yihiin.

Maandeeq FM