Sida Aad Ula Dhaqmi Karto Qofka Shakiga Badan.. Marnaba Ha La Doodin

“Ugaarsiga khaladaadka.. kalsooni darrada uu dadka kale ku qabo.. dood tiro badan oo waxyaabaha ugu hooseeya aan laga aamusayn.. dareen joogto ah in la khiyaamayo.. dood aan dhamaaneyn iyo madax adayg”.. waa astaamaha lagu yaqaanno qofka shakiga badan ee “Malada xun leh”, khalad ayuu ka aaminsan naftiisa marka hore kadibna dadka kale.

In dadka noocaas oo kale ah lala mucaamilaa waa mid dhibaato iyo caro badan, maxaa yeelay; waxa uu kaa qaadanayaa tamarta togan ee waanaagsan iyo farxadaada, waxaanuu kugu ridayaa niyad-jab, arrin kasta oo soo waajahdana si aan wanaagsaneyn ayuu u arkayaa.

Marka qofka noocaas oo kale ah aad la mucaamaleyso waxaa muhiim ah inaad barato wadada ugu habboon ee lagula dhaqmo si aanuu saameyn taban kuugu yeelan.

Dr. Safo Abdel Kader oo u dhalatay dalka Masar ayaa sheegaysa in “Malo Xumida” dadka shakiga badani tahay jirro maskaxeed dadka qaar soo waajahda, waxay dareemayaan inaan la jeclayn, dadka ku hareeraysanna way ku daalayaan, waxay ku talineysaa in dadka noocaas ah loola dhaqmo si waafaqsan tallaabooyinkan:

– Habka ugu wanaagsan ee lagula dhaqmaa waa doodaha caqliga iyo maangalka ku saleysan, ficil kasta waxa uu leeyahay falcelin, u adeegso caddeymo xoojinta fikirkaaga aad kula doodayso qofka shakiga badan, waa haddii ay dhacdo inaad la dooddo.

– Ha caroon, si joogta ah waa inaad isku xakameysaa, shakigiisa tirada badanna aad ku waajahdaa, marnaba ha caroon maxaayeelay; iney arrintu ka sii darto mooyaane waxba kuma hagaagayaan.

– Ka fogow Inaad la dooddo ama aad wax ka sheegto, marnaba saraaxad ha kula dhaqmin oo si cad waxba ha ugu sheegin.

Arrintu maaha in la doonayo inaad been kula dhaqanto ee waa inaad dhibaatadiisa ka badbaaddo.

Maandeeq FM