Albaabkii Ayaa u Furmay Iyagoo Hawada Ku Jira.. Sidey Ku Badbaadeen Rakaabkii Diyaaradda “Dana” Saarnaa?

 

Rakaabkii saarnaa diyaarad Nigeria laga leeyahay ayaa xaalad aragagax leh ay soo martay kadib markii diyaaraddii ay saarnaayeen oo hawada ku jirtaa albaabkii uu ka duulay.

Muuqaal uu duubay qof ka tirsan rakaabka diyaaradda ayaa muujinaya in dadka qaar ay qaylinayaan in kasta oo dadka intooda badani ay daganaan muujinayeen si diyaaradda aan dheellitirku uga lumin dadkuna ay meel gaar ah iskugu buuran.

Jariidada “Daily Mail” ee dalka Ingiriiska ka soo baxda ayaa sheegtay iney rakaabku dageen muujiyeen kadib markii ay hubsadeen in diyaaraddu ay cagaha dhigatay garoonka oo ay hubsadeen iney ammaan yihiin.

Rakaabka shakhsi ka mid ahaa ayaa yiri: “Albaabku si wanaagsan umuu xirneyn intii aan safarka ku jirnayna waa dareemaynnay, waxa uu duulay markii ay diyaaraddu dhulka taabatay.”

Shirkadda Dana Airlines oo ay dadku ku safrayeen diyaaradeeda ayaa isku difaacday in albaabka lagu ciyaaray oo qofi uu taataabtay, si wanaagsanna uu markiisii hore u xirnaa.

Qof kale oo rakaabka ka tirsanaa lana yiraahdo Igah Dagogo oo la hadlay CNN ayaa is weydiiyay “Maxaa dhici lahaa haddii albaabku furmo markii safarka dhex bartamihiisa aan ku jirnay?”

Dadkii rakaabka ahaa ayaa dhankooda beeniyay in qof ka tirsan uu albaabka ku ciyaaray, halka shirkadda duulimaadku ay arrintan baaritaan ka furtay, si loo ogaado sababtii cillaadda ka dambeysa.

Maandeeq FM