Iska Ilaaliya Guurka Maalinta “Ciidda Jacaylka!” (Daraasad)

 

Cilmibaarayaal ka tirsan jaamacadda Belbourne ayaa gaaray natiijo ah in Guurka aanuu ku habbooneyn maalinta “Ciidda Jacaylka” ee Valentine February 14, maxaa yeelay; inta badan waxa uu ku dabeeyaa furriin.

Daraasaddan oo ay hogaaminayeen khubaro ka tirsan jaamacadda Melbourne, dadka is guursada February 14, waxaa la ogaaday iney yihiin kuwo ugu badan ee is fura 37%, halka suurtagalnimada iney sannadka saddexaad u wada dabaaldagaan ay ka hoosayso 47%, marka loo eego asaagooda maalmaha kale is guursada.

Daraasaddan oo lagu baaray 1.1 milyan oo xaflad guur ah oo ka dhacday gudaha dalka Holland, 6% ay dhaceen maalinta Jacaylka, guurkaasi waxa uu ku burburtay inta badan muddo 3sano gudahood ah, cilmibaarayaashu waxay sheegeen in dadka is jecel ee guursada maalinta ciidda jacaylka ay ahaayeen kuwo aad ugu dhaw in guurkoodu kala tag ku dambeeyo.

Daraasaddan oo lagu faafiyay joornaalka “Journal of Public Economics”, ayaa lagu sheegay “Fursadda ah in taariikhdaa gaar ah oo la eegto inuu guurku dhaco iney inta badan keento guur dagdag ah oo heerkii loo baahnaa ka hooseeya, arrintaas oo saameyn aan wanaagsaneyn ku reebta xiriirka labada qof, khatarta furriinkuna aad ayay u sarreysaa.”

Waxaa xusud mudan, in dhex-dhexaadka xafladaha guurka ee Isbuucii uu sanadkii gaaro 313  gudaha UK, laakiin maalinta February 14, waxa ay si lama filaan ah ku gaaraan 1039, taas oo ka dhigan in dadka intooda badani ay si gaar ah u ilaashadaan maalintaa oo ay si gaar ah ugu calaamadeystaan guurkooda.

Maandeeq FM