Muftiga Tunisia: In loo Dabaaldago Maalinta Jacaylka Adduunka Waa Banaan Tahay

 

Muftiga Jamhuuriyadda Tunisia Sheekh Cusmaan Badiikh ayaa Talaadadii February 13, 2018. sheegay inaaney jirin wax mamnuucaya in loo dabaaldago “Maalinta jacaylka adduunka”, waxa uu tilmaamay in shardiga kaliya ee ku xiran uu yahay inaan akhlaaqda laga bixin, waxaana uu xusay in wax kasta oo maslaxad laga helayo aaney dhibaato ku jirin.

Sida ay qortay jariidada “Akherkhabaronline” oo sheekha wareysi gaar ah la yeelatay, Muftiga Tunisia ayaa tilmaamay in dabaaldagga Valentine aaney xaaraan ahayn, arrinta ay sheegaan culumada qaar ee ah in Gaalo lagu danayaana aaney sax ahayn, “Maxaa yeelay diintooda lama qaadanayo, dhaqan diintooda u gaar ahna lama sameynayo, halka wax kasta oo dadka isku soo dhaweynaya oo kulansiinaya uu yahay arrin wanaagsan oo loo baahan yahay.”

Waxa uu dadka xasuusiyay in jacaylka Alle SW uu wax kasta ka horreeyo, waxaa ku xigaana uu yahay jacaylka waalidka, kadib qoyska iyo waddanka, haddii dabaadaggan uu la xiriiro in hadiyado ay is dhaafsadaan nin iyo naag ama labo qof oo isku doonan, Dalka Tunisia labada qof ee isku doonan wakhti dheer ka har waxay isku geyn jireen hadiyado, munaasabado badanna waa loo sameyn jiray, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Si kastaba,  muftigan ayaa ra’yigiisu inta badan doodo ka dhex dhaliyaa gudah Tunisia, hadda ka hor waxa uu taageeray xeer dhaxalka loogu simaya ragga iyo dumarka uu watay madaxweynaha Tunisia “Beji Caid Essebsi”, halka uu mudaharaadka ay shacabku dhigaan uu ku tilmaamay xaaraan, arrimahaas ayaa keenay iney dadka qaar u ol’oleeyaan in muftiga xilka laga qaado.

Maandeeq FM