Sidee Ugu Wanaagsan Ee Deynta Loo Bixiyaa? 7 Istiraatiijayadood ee Loo Maro Bixinta Deynta

 

Inaad deyn bixiso oo gebi ahaanba aad iska nadiifiso arrin sahlan maaha, laakiin xaqiiqada jirta ayaa ah mabaa’ida aasaasiga ah si aad deynta iskaga bixisaa way fudud yihiin: yaree kharashaad kaa baxa, lacagta halkaa kaaga soo hartana deynta ku bixi, si tartiib-tartiib ah ayey u yaraaneysaa, marka uu wakhti kooban kasoo wareegtana gebi ahaanba way baaba’aysaa.. laakiin caqabadda ku hortaagan ayaa noqoneysaa kirada guriga iyo lacago kale ee sida billaha ah lagaaga rabo habkii aad u maareyn lahayd.

7 Istiraatiijayadood ee a Loo Maro Bixinta Deyn

1- Ha kuu kala Caddaato halka maalkaagu ku baxayo

Haddii aad dooneyso inaad si degdeg ah deynta iskaga bixiso, marka hore waa inaad si gaar ah u eegtaa halka aad wax ku bixiso ee ugu badan.

2- Masaariifta dheeraadka ah meesha ka saar

Isbarbardhig ku samee khatarshka iyo dakhligaaga billaha ah, haddii dakhliga kusoo gala kharashku uu ka yaryahay, lacagaha kuu soo hara ku bixi deynta, haddii kharashkaagu badan yahay, waxaa lagaa rabaa inaad yareyso, si ay kuugu soo haraan lacago aad deynta ku bixiso.

3- Yaree Kharashaadka joogta ah

Haddii aad bilo go’an dhex dhuuqsi sameyso oo aad ku tashato inaad deynta bixiso way kuu suurtogalaysaa, yareynta lacagaha aad guriga aad ku bixiso.

4- Kordhi Dakhligaaga

Waxaa dhici karta in kharashaadkaaga yareyso, gaar ahaan kuwa sida joogtada ah aad bixiso bishii, taasina ay kuu suurtogeliso inaad xoogaa deyn ah iska bixiso, markasta baahidaadi hore waa joogto oo isma bedelayso, sidaa darteed; khubarada dhaqaaluhu waxay ku talinayaan in qofku uu ku fakaro inuu dakhligiisa kordhiyo.

5- Liis u samee deynta lagugu leeyahay

Liis u samee deynta lagugu leeyahay, sida ay u kala badan tahay u kala hormari adigoo lacagaha ugu badan ugu sarreysiinaya.

6- Bixi deynta ugu yar marka hore

Halkan macnaha ku jira ayaa ah farxadda aad dareemayso, sida naftaada xoogaa nafis ah u helayso iyo dhiirigelinta aad helayso si aad horey ugu socoto bixinta deynta.

7- Xasuusi naftaada khatarta ay deyntu leedahay

Tallaabadan inaaney muhiim ahayn ayay dadka qaar u arki karaan, laakiin xaqiiqada dhabta ah ee muhiimka ah waa inaan aragtideenna deynta wax badan ka bedelnaa, qofka isku daya inuu deynta iska bixiyo isagoon ku baraarugsaneyn khatarta ay leedahay, marnaba kuma guuleysanayo dadaalkiisa.

Maandeeq FM