Talo-bixin Caafimaad.. Ha Cunin Cunnooyinkan “Waqti Khaldan”

Dadku waxay aad ugu dadaalaan iney ogaadaan faa’iidooyinka raashinku uu leeyihiin iyo dhibaatooyinka dadka elarjigga ku ah,  laakiin waxaaney dadbadani xasuusnayn in xilliga la isticmaalo cuntada ay saameyn weyn ku yeelato caafimaadka qofka, xitaa cunnooyinka nacfiga leh qaarkood marka la qaato xilli aan munaasab ahayn waxay saameyn taban ku yeelataa caafimaadka.

Raashinka ay tahay inaan si gaar ah u eegno xilliga aan isticmaaleyno waxaa ka mid ah Mooska oo dhakhaatiirtu ay ku talinayaan inaan habeenkii la cunin, maadaama ay ku badan tahay antacids oo dajinaysa laabta, laakiin marka xilliga habeenkii ah la cuno waxaa laga qaadaa duray ama hargab.

Sida ay qortay jariidada “Sky Bold” dadka mooska jecel waa iney cunaan maalintii, waxay ka helayaan markaa tamartii uu jirkoodu u baahnaa, waxaana la mid ah tufaaxa oo isna aan ku wanaagsaneyn in xilliga habeenkii la cuno.

Khubarada caafimaadku waxay ku talinayaan oo kale, in caano maraaciga la isticmaalo xilliga maalintii ah oo habeenkii laga fogaado, iyadoo ay jirto inuu khafiif yahay ayaa hadana xilliga habeenkii ah waxa uu kiciyaa acid ka caloosha oo dhibatooyin u horseedda habdhiska dheefshiidka.

Shaaha iyo qahwada oo ay dadku subixii u badan yihiin sida caadiga ah, waxaa fiican inaaney noqon waxa koowaad ee aad afka ku furaneyso markaad hurdada kasoo kacdo, caffeine-ta ku jirta darteed oo acid ku kicinaysa caloosha dhibaatana u horseedaysa.

Waxaa sidoo kale lagu talinayaa in habeenkii bariiska laga fogaado, shaqada badan ee dhanka dheefshiidka ah ee u baahan yahay darteed, hurdadana qofka wuu ka xumeeyaa oo walwal uu u horseedaa.

Maandeeq FM