Virus Cusub oo ku Dhacay 2000 oo Website oo Nidaamka “WordPress” Ku Shaqeeya

Cilmibaarayaal dhanka amniga electronic ka shaqeeya oo ka tirsan shirkadda “Sucuri”  ayaa ka digay virus saameyn ku yeeshay 2000 oo website oo ku shaqeeya nidaamka “WordPress”.

Virus-kan ayaa diiwaangelinaya waxwalba oo aad ku qorto computer-ka waxa uuna datada u diraya hackers-ka soo dirsaday.

Sida uu qoray website-ka “arstechnica” ee dalka Mareykanka ka soo baxa, cilmibaarayaasha shirkadda Sucuri waxay horey u heleen December-tii lasoo dhaafay virus oo lagu arkay adeegyada shirkadda cloudflare, virus-kaasi waxa uu ku dhacay 5500 oo website oo nidaamka WordPress ku shaqeeya, laakiin viruskaa saameyntiisu way iska baaba’day, laakiin viruskan cusub ayaa ah mid ka khatar iyo dhib badan kii hore.

Cilmibaaraha ammaanka ee Sucuri ee la yiraahdo Denis Sinegubko ayaa yiri: “Waxaan si weyn uga xun nahay website-yada viruskan ku dhacay, viruskan Keylogger waxa uu u shaqeynayaa habkii weeraradii hore oo kale, datada website la geliyo oo dhan ayuu u dirayaa hackers-ka oo ay ku jirto furaha soo gelidda website-ka.

Maandeeq FM