WacyigelinWararkaWaxbarashada

11-Caado ee Asxaabtaada Kaa Fogeysa Kaana Dhigta Qof aan La Jeclayn

 

Waxaa jira dadbadan oo ku dadaala iney xiriirkooda wanaagsan ee ay la leeyihiin ehelkooda iyo saaxiibadood ilaashadaan, laakiin markasta ku fashilma arrintaas.

Daraasaad badan oo la sameeyay ayaa daaha ka rogay iney jiraan caadooyin shaacsan oo iska caadi ah, laakiin adigoon ogayn kaa dhigaya qof sumaysan oo dadka kale dhibaato joogto ah ku haya, xiriirro kastana ku fashilma, waa sida ay sheegayso jariidada “BUSTLE” ee ka hadasha dhanka Arrimaha Bulshada.

Dr. Perpetua Neo oo ah dhakhtar dhanka cilmi-nafsiga ah ayaa tiri: “Dhammaanteen waxaan leennahay caadooyin xun oo quuta fikir khaldan oo aan aaminsan nahay, waxaan ku dhibaateenna dhagaha dadka khaaska inoo ah ee aan jecel nahay, waxaaney inaga dhigaysaa taasi dad waabay sun ah firdhinaya, arrintaasina cidi inaguma jeclaaneyso.”

Waxay hadalkeeda sii raacisay” Haddii nafteenna aan siinno wakhti ay ku fakarto si ay u joojiso arrimahaas, markaa nafteenna ayaan ku caawin karnaa iney ka xeeladaysato, waxayna naga dhigaysaa qof sidii hore ka wanaagsan, in caadooyinkaa suntan ah aad ka xeeladaysato oo qof sidii hore ka wanaagsan aad naftaada ka dhigto [waa mid adiga kugu xiran].” 

11-Caado ee Asxaabtaada kaa fogeysa, kaana dhiga qof aan la jeclayn oo waabay firdhinaya

1- Qof jeejees Badan

Inaad qof ku jeesjeesto waxay u baahan tahay fursad iyo wakhtiga ku habboon inaad hesho oo aad la eegato si dadka kale ay ugu xaraabaystaan(Shactaro), laakiin arrimaha noocaas oo kale ah waxay dhaliyaan mashaakilaad ka ballaaran tan aad raadineyso. Arrintaasi waxay keenaysaa iney dadbadani kaa niyad-jabaan oo ay kuu arkaan qof la iska ilaaliyo inaad tahay, si iyagana hadhow aadan u falanqeyn.

2- Qof ku dhex jira “Qiila wa Qaala”

Inaad markasta ku dhex jirto “waxa uu yiri, waxay tiri” iyo isku diraale waxay kaa dhigaysaa qof aan loo xiisayn.

3- Qof Xiran Muraayad Madow

Halkan loolama jeedo muraayadda naftarkeeda ee waa qofku inuu noqdo sidii qof muraayad madow xiran oo arka un waxwalba madow iney yihiin, noloshana uu inta mugdiga ah ka arko, koobkuna inta uu ka maran yahay ka milicsada, waa arrin aan wanaagsaneyn.

4- Qof Kacsan oo fikir taban

Marka mushkiladaha ku agyaalla aad ku waajahdo si taban, waa arrinta kuu keenaysa inaad ku ciyaarto mushkiladda oo dadka qaar aad kula dhaqaaqdo ihaaneysi iyo xumeyn. Qofka sidaa sameeyaa waxa arrintu ay u tahay caadi, laakiin qofka uu waxaas uu gaarsiiyo heeka ay dhibaatadaasi taabaneysaa maaha mid la qiyaasi karo.

5- Aniga un idhageysta

Dadka qaar waxay jecelyihiin iney u muuqdaan dadka ugu xikmadda badan, qofkaas oo markasta xikmadihiisa u qeybiya dadka ku hareeraysa, arrintaasi qofka waxay ka dhigaysaa mid aan la jeclaysan. Xikmaddu waxay ku habboon tahay in laguu soo doonto.

6- Badbaadiyaha Guud

Waxaa jira dadka qaar oo marwalba isku daya iney dadka oo dhan badbaadiyo, arrintaasi marka hore waxay u muuqaneysaa caado wanaagsan laakiin ogow iney isku bedelayso caado xun oo dhibaato u geysata dadka kale. Dadka kale waxa uu u diidayaa iney nolosha waayaheeda casharro ka bartaan, awoodahooda adkaysiga ay yeeshaan mushkiladaha ay naftooda u xalliyaan.

7-Doodda gudaha ee taban

Qof kastaa wuu “isla sheekaystaa” oo naftiisa ayuu la warramaa, waxay noqon kartaa mid qofku uu u wanaagsan oo uu isku dhiirigeliyo, ama waxay noqon kartaa mid aan wanaagsaneyn oo naftiisa uu ku dhibaateeyo. Sida; marka uu qofku waayo ammaankii gudaha ah, isayadoo ay ku sii dambeyso raadka dhibaatooyin hore usoo maray noloshiisa.

8- Tartanka Joogtada ah

Inaad tartanto waa waxay noloshu ku dhisan tahay, laakiin inuu ku geerisiiyo heer aad masayrto oo aad ka xumaato guulaha dadka kale ay gaarayaan maaha shay wanaagsan.

  1. Qofka Ceebaha Faaqida

Marka aan la joogno qof aan ku kalsoonnahay waxaa sahlan inaan ceebaheenna bannaanka soo dhigto oo waxwalba aan u sheeganno.

In dadka kale ceebahooda un aad aragto waxay keenaysaa iney kaa niyad-jabaan sidaa darteed; marka ay kula joogaan kuma raaxaysanayaan ag-joogaaga, maadaama ay daqiiqad kasta kaa filan karaan inaad ceebtooda banaanka soo dhigto.

10- Hoggaaamiyaha doodaha iyo wadasheekaysiyada

Waxaa jira dad jecelay iney wadasheekaysi kasta hoggaamiyaan, qiimaha wadasheekaysigu waa in qof kastaaba uu ra’yi goonni ah leeyahay, aragtidiisana uu si caadi ah u soo bandhigan karo, laakiin markaad wadahadal kasta uu noqdo mid adiga un aad dooneyso in kaligaa lagu dhageysto suurtaggal maaha in dadka agtaada joogaa ay ku faraxaan oo qof wanaagsan ay kuu arkaan.

11- Qof aan dareenka dadka kale tixgelin

Marka qofka aad la joogto uu murugo dareemayo, inaad tiraahdo farax arrin wanaagsan maaha, waxaad noqonaysaa qof aan dan ka lahayn dareenka dadka kale, isla markaana waabay firdhinaya, qofkaasina lagama yaabo inuu si sahlan kuu cafiyo. Qofku marka uu murugeysan yahay la qaybso oo xaaladda uu ku jiro inaad ka xun tahay u muuji, sida wanaagsani waa sidaas.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close