Lama Filaan: Dareenka Aan Fiicneyn ee Shaqaalaha oo U “Wanaagsan” Shaqada!

Daraasad cusub oo dhawaan la sameeyay ayaa daahrogtay in dareenka aan wanaagsaneyn ee shaqada uu qofka ka garabsiiyo howlgudashadiisa shaqo oo ku wanaagsanaata.

Cilmi-baarayaal ka tirsan Jaamacadda Waterloo ee dalka Kanada ayaa helay saameynta dareenka tan ee aan wanaagsaneyn uu ku yeesho howlgudashada shaqo in ay ku kala  duwan yihiin dadka, waxaa jira dad arrintan ula falgala si dhakhsiyo ah iyo  kuwo kale oo si gaabsi ah ula falgala.

Sida lagu soo qortay Science Alert, in dareenka xun uu faa’iido badan yahay dadka sida dhakhsiyaha leh ula falgal, halka kuwa falcelintoodu ay gaabiska tahay aaney arrintaa ku ka faa’iidin.

Tara McCoy oo ah cilmi-baare psychologist ah ayaa sheegtay, in dareenka xun uu dhiirigeliyo skills badan oo muhiim u ah nolol maalmeedka aadanaha oo baraarugsanaantu ay ka mid tahay.

Daraasaddan ayaa waxey ku tiirsaneyd xogo laga soo uruuriyay 95 qof,  oo laga codsaday iney ka jawaabaan 9 su’aalood oo ku saabsan dareenkooda iyo shakhsiyad ahaan sida ay xaaladoodu tahay xilliyada qaar, markii jawaabaha lala barbardhigay shaqada ay qabtaan, waxaa caddaatay in dadka dareenkoodu aanuu wanaagsaneyn ama careysan ay ka howlgudasho wanaagsanaadeen kuwii kale.

Cilmi-baaryaashu waxey leeyihiin, qofka marka aanuu dareenkiisu wanaagsaneyn waxa uu isku dayaa inuu dadaal ku bixiyo xallinta dhibaatooyinka  iyo challenges-ka horyaalla, si ka duwan kuwa xaaladdu ay u wacan tahay ee xasilloonida iyo farxadda dareemaya.

Maandeeq FM