Qoraa Sucuudiyaan Ah oo Soomaali Badan Ka Careysiiyay Dood Badanna Dhaliyay.. Muxuu Sheegay?

 

Qoraa Sucuudiyaan ah oo wax ku qora jariidada Aljazeera ee ka soo baxda dalka Sucuudiga  ayaa qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay hoos ugu dhigay maqaamka Soomaaliya, shakina geliyay Carabnimada dadka Soomaaliyeed.

Qoraaga la yiraahdo Mohammed Alshaik oo barta twitterka ku soo gala magaca (@alshaikhmhmd), ayaa qoraalka uu bartiisa Twitterka soo dhigay waxa uu ku yiri: “Boqortooyadu waa halka ugu horreysa ee uu soo beegsaday madaxweynaha Mareykanka Donald Trump markii la doortay, Madaxweynaha Shiinaha maanta Imaaraatka ayuu joogaa, madaxweynaha Soomaaliya ayaa bilo ka hor booqday Doha.”

Isku xirka Soomaaliya iyo madaxweynaha Shiinaha ee booqashada ku jooga Imaaraatka waxa uu ku fasiray: “Goob kastaa oraah goonni ah ayey leedahay.”

Qoraalka “Alshaik“, ayaa ka careysiiyay dad badan oo twitter-ka isticmaala oo Soomaali , Sucuudiyaan iyo Carab kaleba iskugu jira, waxeyna dadku ku dhaleeceeyeen inuu hoos u dhigay maqaamka dowlad Carbeed waa Soomaaliya’e.

Waxaa taa ka sii daran, markii dadbadani ay dhaleeceeyeen ayaa waxa uu mar kale soo qoray: “Dadka Soomaaliyeed Carab maaha, Carabiga kuma hadlaan mana garanayo sababtii loogu dar dowladaha Carbeed.”

Qof Twitter-ka ku soo gala magica (kimo_alkharj@), ayaa waxa uu ugu jawaabay, “Waxaad ku faani kari lahayd waddankaaga, Qatar-na waxaad doonto ayaad ka sheegi kari lahayd adigoon Soomaaliya xaqirin, laakiin doqonnimadaada ayaa wax walba ka sare martay.”

Shakhsi Soomaaliyeed oo barta twitterka ku soo gala(@mohammedbashe17), ayaa waxa uu ugu jawaabay: “Madaxweynaha Soomaaliya bilo ka hor ayuu Sucuudiga yimid. Haddiise aad u jeedadaadu tahay inaad Soomaali xaqirto iyo Madaxweyneheeda Allaan ku dhaartee, Soomaaliya manta waxey dadka oo dhan bartay, in awoodu ay tahay mowqifka iyo nafta oo la ixtiraamo, weyddii oradoo kuwa isku dayay iney na ixtiraami waayaan.”

Si kastaba, waxa uu isku dayay inuu dadka u sheego in Sucuudiga iyo Imaratka ay booqdaan madax sarsare oo caalamka maqaam ku leh, halka Doha oo caasimadda Qatar ahna ay booqdaan madax heerkoodu hooseeyo, laakiin waxaanuu filayn ayuu kala kulmay barta twitter oo si aad ah loogu dhaleeceeyay.

Maandeeq FM