WararkaWaxbarashada

Saddex Faa’iido oo Ardayda Soomaaliyeed Ay Ka Heli Doonaan Mashruuca Khadka Internet-ka Caalamiga ah ee Jaamacadaha

Arbacadii la soo dhaafay magaalada Muqdisho waxaa laga daahfuray mashruuc kor loogu qaadayo tayada waxbarashada jaamacadaha dalka oo ku xirmaya jaamacadah gobolka iyo kuwa kale ee caalamka, ardayda Soomaaliyeed  ee jaamacadah dalka qaarkood ayaa helay adeeg internet ah oo ka madax banaan kan ay bixiyaan shirkadaha ganacsiga dalka.

Dr. Cabdirisaaq Axmed Dalmar, guddoomiye ku xigeenka SomaliREN oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii soo bandhigtay mashruuca khadka internet-ka caalamiga ah ee jaamacadaha dalka ayaa noo sheegay iney jiraan saddex faa’iido oo muhiim ah oo ku jirta khadkan cusub oo ay ardayda Soomaaliyeed ka heli doonaan:

“Saddexda qodob oo ay ka faa’iidi doonaan qodobka koowaad waxa uu yahay xirir toos ah, qodobka labaad oo ah aqoon iyo qodobka saddexaad oo ah community dad ay isku xiran yihiin oo ay isku takhasasus yihiin inuu barto shirarka iyo waxyaabaha ku soo kordhay inuu heli doono, markaa waxaan leenahay waa tallaabo horey loo qaaday mashruuc aan muddo dheer ka soo shaqeynaynay, maantana noo hirgalay, waxaan rajeynaynaa jaamacadaha kale oo dhan iney ka faa’idaysan doonaan.”

SomaliREN waxaa xubno rasmi ah ka ah 16 Jaamacadood iyo mac’hadka cilmi-baarista siyaasadda ee Heritage. Waxaa hadda khadka helay 6 jaamacadood oo gudaha Muqidsho ku yaalla oo ay ka mid yihiin jaamacadaha Benaadir, Simad, Muqdisho,  City University iyo jaamacadda Ummadda iyadoo la filayo in jaamcadaha kale ee soo haray kana tirsan 19 jaamacadood ee ku kala yaalla gobollada kala duwan ee dalka ay khadkan heli doonaan billaha soo aaddan.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close