Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Daahfuray Carwada Buugaagta ee Hargeysa Book Fair oo Sanadkan 11 jirsatay

Waxaa maallinimadii shalay si rasmi ah magaalada Hargeysa looga daahfuray carwada buugaagta ee Hargaysa Internation Book Fair, waxaa furintaankeeda ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka socotay xukuumadda oo uu hoggaaminayo Madaxweyn ku xigeenka, aqoonyahanno iyo dadweyne tiro badan oo doonayay iney carwada buugaag ka iibsadaan.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi  Ismaaciil Saylici oo daahfuray bandhigga ayaa ugu horreyn u mahadceliyay guddoomiyaha hay’adda Red sea oo hayaddiisu sanad walba ay soo qabanqaabiso bandhigga:

“Mahadda Illaahay ka sokow, waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa Jaamac Muuse Jaamac oo waqti adag oo hore soo bilaabay runtii, sidaan ku naqaanno wax kasta oo cusub dadkeenna aad ayuu ugu adag yahay, taasina ay muujineyso Somaliland maanta halka ay joogto nin walba uu wax ku soo daray oo nin walba meel adag uu ka soo bilaabay, maantana aan meel wanaagsan runtii soo wada gaarnay, aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqyaa Jaamac Muuse Jaamac  iyo Hargaysa Heritage Center.”

Waxa kale oo uu u mahadceliyay marti sharafta ka soo qeybgashay bandhigga oo uu  tilmaamay iney faa’iidaysan doonaan iyagana laga faa’iidi doono:

“Waxaa kale oo aan u mahadnaqayaa oo aan aad u soo dhaweynayaa dadka inooga yimiday dalalka kala gaarka ah aqoonyahanka caalamka ka yimiday, safaaradaha idinla jooga, madaxda hay’adaha kala duwan ee Somaliland jooga, dhammaan marti sharafta waxaan ku soo dhaweynayaa dalka, gacmo furan lab furan ku soo dhawaada, mudadaa lixda cisho ahna runtii waxaan qabaa in aad loo kala faa’idaysan doonto oo iyaguna ay wax naga faa’idaysan doono.”

Ugu dambeyn, waxa uu si rasmi ah u furay bandhigga oo sanadkani u yahay sanadkiisii 11aad oo xiriir ah:

“Waqtigii la bilaabay waxey ahayd 2008, 11 jeer baa la qabtay aad iyo aad wax u qiimo badan weeyaan, waxaan halka u soo istaagay in Book Fair kii uu xilligan wixii ka dambeeya uu furan yahay.”

Maandeeq FM