Wax Ku Baro Wadiiqada Caalimka Physics-ka ee “Richard Feynman”

“Richard Feynman” (1988-1918), waa caalim Physics theory -ga ah oo ka mid ahaa culumadii sayniska Qarnigii hore, waxa uu ku caan ahaa kaalintiisii uu ka geystay Quantum Mechanics. Waxaaba jira qorshe Physics ah oo loo yaqaanno magaciisa (Feynman’s Diagram).. waa wadiiqo graphics ah oo lagu caddeeyo dhaqanka walxaha aadka u yaryar iyadoo lagu dhisayo qaab xisaabeed. Caalimkan waxa uu ku guuleystay abaalmarinta Nobel Prize Physics-ka!.

Feynman waxa uu caan ku ahaa lixdameeyadii Qanigii hore xariifnimadiisa sharraxaada iyo fududeynta duruusta adag, waxaanuu ku caan ahaa sharraxaagii ugu xariifsanaa (The Great Explainer) .

Einstein, waxa uu ka qeybgalay difaacashadia buugga Feynman ee PhD uu ku qaatay, Bill Gates waxa uu yiraahdaa waxa uu ahaa macallinkii ugu wanaagsanaa ee aanan nasiibka u helin inuu macallin ii noqdo, waxa uu iibsaday dhammaan muxaadaraadkiisii jaamacadda si qof kastaa uu uga faa’iidaysto.

Qormadan waxaan uga hadleynaa wadadii uu ku sharrixi jiray casharrada ugu adag ee ka tirsan Quantum Mechanics, wadadaa uu isticmaali jira illaa maanta waxaa loo yaqaanaa (Feynman Technique). Waa 4 tallaabood oo loo adeegsan karo in mowduuca lagu fahmo ama in la fahmo oo dadka kale loo sharraxo intaba.

Wadiiqada Feynman ee (Feynman Technique)

1- Mowduuca aad dooneyso Xadee oo Baro

Mowduuca waxwalba oo aad ka garaneyso qor, markasta oo akhriska aad wax cusub ka hesho oo faa’iido leh qor oo ha iska dhaafin.

2- Sharrax mowduuca sida inaad horjoogto dad aan mowduuca wax ka fahamsaneyn oo kale

Hadda fur bage cusub, iskuday inaad mowduuca u dhigto hab maqaal ah oo qofka akhristaha ah u sahleysa inuu wax fahmo, ku dadaal in qoraalkaagu noqdo luqad la fahmi karo oo ka maran kallifaad. xoog ha u isticmaalin ereybixinnada cilmiga ah, haddii aad u baahato waa in dadku ay ka haystaan faham hore, marka aad u baahato inaad isticmaasho eraybixin takhasusu si fudud dadka ugu sharrax. Inaad mowduuca fahamsan tahay oo wixii laguu dhigan un aadan ku celcelinay waxaa ku tusinaya inaadan si xoog ah u adeegsaneyn ereybixinno aaney dadku wada fahmi Karin.

3- Raadi Macluumaadka kaa maqan

Marka aad fulineyso tallaabada labaad, inta badan waxaad la kulmi doontaa caqabado dhanka sharrax ah oo ku saabsan macluumaadka kaa maqan ee lagama maarmaanka ah, isha aad wax ka akhrisaneysaa waxey doonto ha noqotee, waxaa lagaa doonaya inaad ka dhammeystirato macluumaadka kaa maqan. Mararka qaar buugga waxwalba kama helaysid , waxaa muhiim ah inaad ilo kale ka raadiso barta Internet-ka si aad wax uga korosato.

4- Hadalkaaga Nidaami, Fududee, sidii Sheeko oo Kale ka Dhig

Hadda waxaa lagama maarmaan ah inaad mowduuca fahamsan tahay 100%. Hadalkaaga nidaami si mowduucu uu u noqdo mid silsilad oo kale iskugu xiran oo fudu, adeegso tusaalooyinka.

Wadiiqada sharraxa Feynman waxaa loo adeegsan karaa maaddo kasta iyo takhasus walba, xitaa haddii aad waxbarashadaada dhammeysatay oo aad dooneyso inaad mowduuc gaar ah fahamto si mug leh waad ka faa’iidaysaa, waxaan sidoo kale looga faa’idaysan karaa diyaarinta khudbooyinka. Sidaas oo kale waa wadada ay raacaan ardayda xariifka ah si ay maaddooyinka u fahmaan, si ay imtixaanka uga keenaan darajooyinka ugu sarsarreysa.

Maandeeq FM