Golaha Wakiillada Somaliland oo Ansixiyay Siyaasadda Waxbarashada

Golaha wakiillada ayaa maalinnimadii shalay ansixiyay xeerka siyaasadda waxbarasahda ee Somaliland.

Kulanka golaha oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Baashe Maxamed Faarax ayaa waxaa ka soo qeybgalay xildhibaanno gaaraya illaa 53 saddex xildhibaan, waxa uuna ajandaha shirku ahaa meelmarinta xeerka Waxbarashada Somaliland oo golaha Guuritidu ay wax ka bedel ku soo sameeyeen.

Goluhu waxey ka doodeen xeerka waxbarashada, kaas oo ay horey ugu gudbiyeen golaha Guuritida Somaliland, kadib markii golaha guurtidu ay kaabis iyo wax ka bebel ku soo sameeyeen ayaa waxey dib ugu soo celiyeen golaha wakiillada.

Qodobada xeerka waxbarashada ee kaabista iyo wax ka bedelka lagu sameeyay waxaa golaha ka hor akhriyay  Cabdirisaaq Siciid Ayaaanle oo ah xoghayaha guud ee golaha Wakiillada, waxaa hadalladiisii ka mid ahaa:

“Qodobka 38aad ilaa qodobka 50aad, si gaar ah ayey u soo saareen, waxaas ayaa laga bedelayna may oran, waxey ku soo qoreen qodobadan waa la soo kordhiyay, qodobka 38aad ilaa 50aad waxey yiraahdeen waa la soo kordhiyay. Qodobka 38aad waxa uu ka hadlayaa waxbarashada xirfadaha iyo farsamada, qodobka 38aad waxaa inoogu qoron waxbarashada dadka baahiyaha gaarka ah qaba.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Labo faqradood way cusub yihiin, farqadda 4aad waxaa lagu daray erayga Xisaab, inaga waxaa inoogu dhignaa faqradda 4aad waxaa khasab ah in lagu dhigo dugsiyada xanaanada caruurta Af-Soomaaliga, maaddooyinka diinta Islaamka iyo Af-Carabiga, wasaaradduna waxey ka xilsaaran tahay daryeelka dugsiyada Qur’aanka iyo horumarintooda, halkaas ayey ku dareen kalmadda xisaab.”

Waxa uu tilmaamay xoghayaha in la isku raacsan yahay in dugsigsa sare xilligiisu  4 sano yahay:

“Dugsiyada sare ee caamka ah mudada lagu bartaa waa Afar sanno, inaguna 4-sano ayeynu ku gudbinnay, dugsiyada sare ee farsamada mudada lagu dhigtaa ay afar sano tahay, inagu saddax illaa afar ayeynu niri iyana Afar sano oo kaliya ayey qaateen, farqadda saddexaad inagu waxeynu niri dugsiyada xirfadlayaasha ah illaa 2-sano(vocational Center)”.

Dooddii markii ay dhammaatay ayaa qodobadda loogu codeynayay mid mid, sidii markii hore ay ku meel mariyeen iyo wax ka bedelkii lagu sameeyay ra’yiga ay ka qabaan.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Baashe ayaa ku dhawaaqay sida sharcigan loogu codeeyay, waxaana uu yiri “30 xildhibaan waxey u codeysay sidii golahan uu kaga baxay[in lagu meel mariyo], 3 wey diidday 19 wey ka aamuseen qodobadaasi waxey ansax ku yihiin sidii golahan ay kaga bexeen.”

Maandeeq FM