Morocco: Fatwo Sharci Ah oo Naadir Ku Ah Taariikhda Dunida Islaamka

Wasaaradda Cadaaladda Morocco ayaa qaadatay markii ugu horreeysay 299 dumar ah oo ka shaqeynaya mihnadda nikaaxa, fatwo sharci ah oo naadir ku ah taariikhda Islaamka, iyadoo mihnaddani ay Qarniyo ahayd mid u xiran ragga oo qura.

Shaqadan ayaa qofku waxa uu ka shaqeynayaa diiwaangelinta heshiisyada guurka, qeybinta dhaxalka, mucaamalka gacansiga iyo xallinta murannada madaniga ah, waana mihnad hoostageysa garsooyayaasha maxkamadaha kala duwan ee dalkaasi ka shaqeeya.

Wasaaradda Cadaaladda ayaa Sabtidii sheegtay iney 299 dumar ah u xulatay iney ka shaqeeyaan mihnadda “Ma’duun sharci” oo ah dadku marka ay isguursanayaa ama ay dhaxalka qeybsanayaan qofka ay u tagayaan ee sharcigu uu u igmaday arrintaas, dumarkan ayaa lagu shaqaaleysiiyay fatwo naadir ku ah dunida Islaamka oo dumar loogu ogolaaday iney qabtaan shaqadan ragga lagu yaqaanno ee nikaaxa.

Mihnaddan ayaa muddo Qarniyo ah ku koobneyd ragga oo qura, iyadoo la cuskanayo Xeer Fiqi ah oo sheegaya “Markhaatiga laba dumar ah waxa uu u dhigmaa hal rag ah.”

Dumarka ayaa 40% ka ahaa tartan shaqo oo ay galeen 19 kun oo qof bishii May ee la soo dhaafay, kaas oo loogu tartamayay shaqo 800 oo boos ah oo ka banaaneyd Wasaaradda Cadaaladda.

Wasaaradda Cadalaadda Morocco ayaa sheegtay in dumarka imtixaanka shaqada ku guuleystay ay gaareen ku dhawaad 38%, iyadoo dhacdadan ay ku tilmaantay mid taariikhi ah.

Gudaha Morocco, dumarku waxey ka shaqeeyaan garsoorka dhinacyadiisa kala duwan, laakiin go’aanka loogu ogaaladay dumarku iney ka shaqeeyaan mihnadda Nikaaxa, waxa u dhaliyay dood badan, iyadoo ducaadda Qaar ay ka soo horjeesteen, halka kuwo kale ay ku tilmaameen in go’aanku yahay model cusub oo ijtihaad Fiqi ah lagu dhisay, kaas oo ay tahay in looga daydo arrimo kale oo ay ku jiraan dhaxalka in loo sinnaado!.

Maandeeq FM