Wax Ka Baro.. “Paul Allen” Cabqarigii Wadaayga Kula Ahaa “Bill Gates” Aasaaska Shirkadda Microsoft

Waan wada naqaannaa dhammaanteen qofka uu yahay Bill Gates, inuu sanado badan ahaa ninka adduunka ugu taajirsan, waxaan ognahay in uu yahay aasaasaha shirkadda Microsoft, waxaa u suurogashay inuu guri kasta qalabka uu soo saaraa uu galo, ma jirto guri aanuu oollin computer ku shaqeeya nidaamka Windows, iyadoo ay jiro in uu si weyn caan u yahay Bill Gates iyo shirkadda Microsoft,  ayaa hadana dadbadani aaney  aqoon qofka uu yahay Paul Allen oo ah caalim computer-ka ku takhasusay, waxaanuu aasaaska shirkadda Microsoft la bilaabay Bill Gates.

Paul Allen

Paul Allen waxa uu dhashay 21 Janaayo 1953 magaalada Seattle ee Washington, waxa uu ku jiraa raga ugu taajirsan Adduunka. Hantidiisa waxaa lagu qiyaasaa 13,5 billion oo dollarka Mareykanka ah sanadkii 2010, sidaas oo kale waxaa lagu tiriyaa inuu ka mid yahay ragga dunida ugu caqilga badan iyadoo IQ-giisa lagu qiyaaso inuu gaarsiisan yahay 170, waana aasaasaha iyo milkiilaha shirkadda Vulcan oo ah shirkad si gaar ah u maamusha Hantida, waana madaxa fulinta ee shirkadda isgaarsiinta ee Charter Communications. Waxa uu maalgashi ku leeyahay shirkado badan oo maalgashi oo kuwo dhismo iyo kuwo kale oo warbaahineed ay ku jiraan iyadoo in ka badan 40 shirkadood oo dhanka teknoolojiyada ka shaqeysa uu saami ku leeyahay, sidaas oo kale waa milkiilaha saddex kooxood oo sports-ka ka ciyaarta gudaha dalka Mareykanka oo la kala yiraahdo;  Seattle SeahawksPortland Trailblazers iyo Seattle Saunders.

Dhalinyaranimadisii waxa uu ka baxay iskuulka Lakeside School oo ku yaalla Seattle, waana halkii ay isku barteen Bill Gates, waxey si wada jir ah u jeclaayeen xisaabta, markii ay dhammeeyeen Paul waxa uu ku biiray jaamacadda Washington, laakiin labo sano kadib wuu ka tagay jaamacadda si uu ugu shaqeeyo mihnadda Programming-ka shirkadda Honeywell Company oo markaa ku taallay Boston, intaa ka dib ayuu Bill Gates ku qanciyay inuu jaamacadda Harvard oo uu markaa dhiganayay uu iskaga tago si ay u wada aasaasaan shirkadda Microsoft electronic ee computerrada.

Waqti kadib Paul waxa uu go’aansaday inuu iibsado nidaam loo yaqaanno Q-DS oo lacagtiisu ay gaareyso 50 kun oo dolar, kadib shirkaddu waxey sameysay iney barnaamijyo ay ka iibiso shirkad caan ah oo electronic ka shaqeeya sida; Apple iyo Commodore, kadib waxey sameeyeen labadii wadaay iney horumariyaan MS-DOS, Q-DOS si ay u abuuraan hal barnaamij oo meel kaliya iskugu keenaya dhammaan barnaamijyada shirkadda IBM, taas oo suuqyada qabsatay markii lagu dhawaaqay sanadkii 1981.

Paul wuu dib uga gurtay shirkadda Microsoft oo uu uga tagay saaxiibkii Bill Gates sanadkii 1983, waa markii uu ogaaday inuu qabo cudur khatar ah, markii uu bilooyin dawooyin kiimiko ah uu qaatay ayuu caafimaadkiisa dib u helay, intii uu xanuusanayay ayaa shirkadda Microsoft ay meel wanaagsan gaartay, xilligaa waxa uu jiray 30-sano hadana waxa uu noqday billionaire.

November 2000 Allen waxa uu iska casilay xubinnimadii uu ka ahaa golaha maamulka shirkadda Microsoft, laakiin waxaa laga codsaday inuu noqdo la-taliye istiraatiijiyadeed oo madaxda sarsare ee shirkadda la shaqeeya, illaa hadda waxa uu shirkadda ku leeyahay 138 milayn oo saamir waa shirkadda Microsoft.

Maandeeq FM