WararkaWaxbarashada

Ardayad Swedish ah oo Joojisay Diyaarad Si Ay U Horistaagto Tarxiilka Shaqsi Qaxooti Ah

Ardayad Swedish ah ayaa joojisay diyaarad lagu tarxiili lahaa shakhsi Afghanistan u dhashay oo ku dhaqnaa magaalad Göteborg oo ah magaalada Labaad ee ugu weyn dalka Sweden.

Ardayddan heerka Jaamacadeed oo la yiraahdo Elin Ersson, ayaa diidday iney mesha ay taagan tahay ka dhaqaaqdo, muuqaal ay Isniintii duubtay ayey ku sheegtay iney diyaaradda joojin doonto, waxey tilmaantay in cid hor istaagi kartaa aaney jirin meesha ay taagan tahayna aaney ka dhaqaaqey illaa ninkan Afghani-ga ah oo 51 jir ah laga soo dejiyo diyaaradda.

Waxey sheegtay inaaney wax dambi ah dalkeeda ka galeyn.

Cabashada gabadhan yar ayaa waqti kooban diyaaradda loo xannibay, ninkii waxaa loo ogolaaday inuu diyaaradda ka soo dago oo Ersson uu raaco!.

Booliska xuduuda waxey sheegeen inaaney hadda tilmaami karin in ninkan ay diyaarad kale saari doonaan iyo in kale.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close