Nidaam Cusub oo Waxbarasho oo Bisha “August” Dalka Ka Dhaqan Galaya

La-taliyaha Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdulqaadir oo ah mas’uulka fulinta nidaamka waxbarashada cusub ee Soomaaliya ayaa sheegay in dalka laga dhaqan gelin doonto nidaam cusub oo waxbarasho bisha August ee soo aaddan.

wakaaladda wararka ee SONNA u sheegay bisha August ee soo aaddan in  guud ahaan dalka laga dhaqan gelin doonto nidaam cusub oo waxbarasho.

Sida ay qortay wakaaladda Wararka ee SONNA La-taliye Maxamed waxa uu sheegay in  waxbarashada Soomaaliya ay hamuun u qabto nadaamka waxbarashada cusub oo uu ku jiro manhajka midaysan oo muddo 30-sano ah aan dalka looga dhaqmin.

Waxa uu tilmaamay in bilowga August, marka ay caruurtu fasaxa sanadka ay soo dhammeystaan, nidaamka waxbarashada dalka uu galayo marxalad isbedel ah oo aad u ballaaran, waxaa la raaci doonaan nidaam cusub oo midaysan min dugsiga hoose ilaa dugsiyada sare.

Nidaamka cusub waxbarashadu waxey ku soconeysaa habka “4-4-4” sida caadiga ah,4 sano oo ardaygu uu ku qaadanayo dugsiga hoose, 4 kale oo dugsiga dhexe ah iyo 4 dugsiga sare ah. Ka hor inta aaney ku biirin waxbarashada sare.

Sidaas oo kale, waxaa caruurta laga dhisayaa dhinacyada kala duwan ee jimicsiga, music-ga iyo fanka, si ay xirfado kala duwan u yeeshaan.

Maxamed Cabdulqaadir waxa uu yiri: “Danta aan leenahay waa iney caruurteennu helaan waxbarasho tayo leh si hibadooda hadhow looga adeegsado maslaxadda waddanka.”

Sanad dugsiyeedku waxa uu u qeybsamaa labo qeybood oo kala duwan.

Diyaar garowga nidaamka cusub, waxaa si tijaabo ah loo gelin doonaan qaar ka mid ah iskuulaad kala duwan ee gudaha caasimadda, macallimiin kala duwanna waa loo tababarayaa daafaha kala duwan dalka si ay u helaan tababar bisha June ee soo aaddan.

Maandeeq FM