Wasiirka Waxbarashada XFS: Ma Jirto Jaamacad Aan Dhihi Karno Waan Aqoonsan Nahay

MAANDEEQ FM SCREEN GRAB

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa sheegay in wasaaraddiisu aaney aqoonsaneyn jaamacadaha dalka, isaga oo u sababeeyay tayada iyo in aan weli la wada fariisan.

Wasiirka oo wareysi gaar ah siiyay “Somali Cable“, ayaa intaasi raaciyay: “Innaga ma jirto Jaamacad aan aqoonsan nahay, oo jaamacad ahaan, oo aan dhihi karno jaamacad waan aqoosannay, oo Academic Function ayay leedahay, qaabka ay u sameysan tahay, tacliinta ay bixineyso, waan aqoosannahay, jaamacad aan dhihi karno ma jirto”.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Waan qiyaaseynnaa in jaamacaado badan oo dalka ku yaalla ay soo buuxinaayaan standards caalamiga ahaa ee jaamacaduhu lahaayeen ama wax u dhow, laakin weli iskuma imaan, oo aanan ma aanan sameysan stander-kaas, markii aan kaas sameysanno, oo aan rabno inaan Control-no ayaa dhihi karnaa Jaamacaddan waan aqoosnahay, waxaan ku aqoosanahay shuruudahaas 1,2,3, 4 xataa Jaamacadda ummadda.

Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan, waxaa uu sheegay iney haystaan Jaamacadahaasi diiwaan-gelin balse aysan aqoonsaneyn, taasi oo su’aal ka keenni karta sida ay u diiwaan-geliyeen jaamacad, aan la hubin tayada aqoonteeda.

Maandeeq FM