Macallinka Japan oo Ugu Shaqo Badan Macallimiinta Adduunka

Macallimiinta Japan ayaa shaqeeya waqti ka badan macallimiinta kale ee dunida. Waxey shaqeeyaan maalintii walba laga soo bilaabo xilli hore oo subixii ah waxey ku gaaraan  ilaa xilli dambe oo habeenkii ah.

In badan oo ka mid ah macallimiinta dalkaasi xitaa xilliyada fasaxa ee Isbuuca way shaqeeyaan, arrintaas oo u diidda iney helaan nasasho ku filan.

Sida lagu sheegay ra’yi uruurin la sameeyay 2013 oo laga sameeyay 34 dowladood uuna sameeyay ururka iskaashiga dhaqaalaha iyo horumarinta ee “OECD”, macallimiinta Japan ayaa gala saacadaha shaqo ee ugu waqtiga dheer adduunka.

Arrintani ma khusayso xilliga waxbarashada ee dalka Japan, celcelisa saacadaha waxbarashada Japan dhex dhexaadka wuu ka hooseeyaa, laakiin macallimiinta dalkaasi waxey waqtigooda inta badan ku bixiyaan howlqabadyada ardayda oo ay hoggaamiyaan iyo cashar diyaarin fiican oo ay sameeyaan.

Maandeeq FM