WararkaWaxbarashada

Wasiirka Waxbarashada XFS oo Xilkii Wasaaradda Laga Qaaday

Wareegto kasoo baxday xafiiska Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa xilkii looga qaaday wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka C/raxmaan Daahir Cusmaan.

Wareegtadan ayaa lagu sheegay in howshii wasiirka uu si KMG ah usii hayndoono wasiiru dowladaha wasaaradda C/raxmaan Maxamuud Cabdulle.

Ku simaha Wasiirka ahna Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Xildhibaan Aadan Isxaaq Ali ayaa Warbaahinta dowladda ka akhriyey Digreetadan.

Si kastaba, Wareegtada Ra’isul Wasaaraha oo ka dambeysay ku dhawaaqista Wasaaradda Waxbarashada ee Natiijada Imtixaanka Dugsiyada sare ayaan la ogeyn in ay la xiriirto Natiijada imtixaanka iyo in lagu casilay hadal uu warbaahinta ka sheegay oo ku saabsanaa aqoonsiga wasaaradda ee Jaamacadaha dalka.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close