Eeyad Madaxeeda La Duldhigay 70 Kun oo Doolar!

Booliska gobolka Uraba ee gudaha dalka Colombia ayaa  mid ka mid ah Eyda mukhaadaraadka baarta geeyay meel ka baxsan gobolka si loo badbaadiyo, kadib markii burcadda ugu weyn ee daroogada dhoofisaa ay madaxeeda dhul dhigeen abaalmarin maaliyadeed oo qofkii dilaa uu helayo.

Sida ay qortay “Fox News“, burcaddan oo layiraahdo “Urabenos” ayaa dhirbaaxo adag kala kulantay eyaddan la yiraahdo “Sombra” oo soo saartay meel ay burcaddu ku qarsdeen 10-kun oo tan oo Cocaine ah.

Sombra markii ay qabatay mukhaadaraadka, ayaa burcaddu waxey ku dhawaaqeen iney bixinayaan 70-kun oo dolar oo la siinayo qofkii soo dila.

Eyaddan Sombra ayaa loo qaaday airport caalamiga ah ee magaalada Bogota, caasimadda Colombia, waana halka la aaminsan yahay iney ku nabadgaleyso, waxaana la socday xilligaa tiro boolis ah si ay u badbaadiyaan haddii weerar lama filaan ah ay la kulanto.

Waxaa xusid mudan, in tani aaney ahayn markii ugu horreysay ee burcaddu ay lacag ku bixiso si ay uga takhaluusaan cadowgooda, sanadkii 2012 ayaa 500 dolar ay dul dhigeen madaxa qof booliska ka tirsan.

Maandeeq FM