WararkaWaxbarashada

70-sano Ayey U Dhaxeeyeen Colaad iyo Nabad.. Waa Kuma Shacabka Moro ee Muslimka ah ee Madaxweynaha Philippine Uu Siiyay Xukun Hoosaadka?

Madaxweynaha Philippine “Rodrigo Duterte”, ayaa waxa uu ogolaaday Jimcihii July 27, 2018 Qaanuun xukun hoosaad loogu oglaanayo shacabka Moro ee Muslimka ah.

Go’aankana ayaa laga sugayaa in shacabka Moro ay dhankooda aqbalaan muddo 90 ilaa 150 maalmood oo ah mudada ugu dheer ee ay haystaan.

Qaanuunkan cusub ayaa horumar dhaqaale iyo mid sharci u noqonaya muslimiinta gobolka, qaanuunkan cusub waxa uu u ogolaanayaa jasiiradaha ku hareeraysan “Mindendau” xukun hoosaad si ka duwan xukun hoosaad kasta oo kale oo ay qowmiyaha dalkaasi ay haystaan.

 Waxaa la dhisayaa xukuumadda Bangsamoro oo xukun hoosaad ah, waxaana la fulinayaa maxkamado sharciga Islaamka wax ku xukuma maadama la meelmariyay sharciga xoriyadaha diimeed.

Xukuumadda dhexe maamulka jooga “Mindendau” waxey u bedelaysaa xukuumadda “Bangsamoro”, si loola jaanqaado xukuumadda Qaranka, halka xukun hoosaadku uu maamuli doono ilaha tamarta iyo maamulka.

Dagaalyahannada “jabhadda xoreynta Moro” iyo kuwa “Xoreynta Moro ee Islaamiga ah” ayaa sida sharcigu dhigayo ku biiraya ciidanka, 6 deegaan oo ku yaalla gobolka “Lanao del Norte” iyo 39 tuulo oo ka tirsan gobolka Cotabato ayaa ku soo biiraya heshiiska marka aftida la qabanayana ka qeybgalaya.

Talaadadii la soo dhaafay ayaa baarlamaanka Philippine uu ansixiyay sharciga “Bangsamoro” kadib markii golaha guurtida dalkaasi ay xilli hore oo isla subixii ah ay meelmariyeen isla sharcigan.

“Xukuumadda Bangsamoro” waxey ka dhalatay heshiis nabadeed oo xukuumadda Philippine ay la gashay jabhadda Moro ee Islaamiga ah 4 sano ka hor, xilligii uu xukunka uu hayay madaxweynihii hore ee Philippine Benigno Aquino III. waxaana lagu xeshiiyay xilligaa in la sameeyo dowlad goboleed “Bangsamoro” xukun hoos ku haysta.

Shacabka <<Moro>> ee sidoo kale loo yaqaanno Bangsamoro ayaa ah 11% shacabka reer Philippine, waxey kala kulmeen dowladda dalkooda dayacaad badan oo dhaqankooda iyo diintooda lagu takooray, Islaamka waxey qaateen Qarnigii 14aad ee miilaadiga. Dalka Philippine waxaa ku dhaqan kooxo kala duwan oo illaa 13 luuqadood ku hadla.

Maandeeq FM 

Show More

Related Articles

Close