Erdogan oo Diyaarad Caafimaad oo Gaar Ah u Diray Caalim Reer Suudaan Ah oo Booqashadiisii Suudaan uu Ku Dadaalay Inuu Gurigiisa Gaaro

Warbaahinta Carabta iyo kuwa Turkiga ayaa qoray Sabtidii July 28, 2018, in madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan uu amray in diyaarad caafimaad oo gaar ah loo diro caasimadda dalka Suudaan ee Khartoum si caalim reer Suudaan ah oo dhibaato caafimaad ay soo waajahaday loogu qaado magaalada Istanbul halkaana loogu daaweeyo.

Diyaaradda waxaa raacay dhakhtartka, daaciga iyo guddoomiyaha jamaciyadda “Saaxiibtinimada Suudaan iyo Turkiga” ee la yiraahdo Al-Faatix Cali Xasaneyn oo ah saaxiib aad ugu dhow madaxweynaha Turkiga.

Sida ay qortay <<Aljazeera.net>> dadka reer Suudaan waxey aad u soo dhaweeyeen danqashada madaxweynaha Turkiga uu u sameeyay daaciga reer Suudaan ee uu saaxiibka la yahay.

Madaxweynaha Turkiga ayaa booqashadiisii uu xilli sii horreysay ku gaaray dalka Suudaan ku dadaalay inuu gurigiisa ku booqdo sheekhiisa iyo saaxiibkii Al-Faatix Cali Xasaneyn isagoo ka codsaday xilligaa iinuu u duceeyo.

Maandeeq FM