Jaamacadda Camuud oo Sanadkan Ay Ka Qalin-jabinayso Dufcaddii Ugu Tirada Badneyd Abid

Jaamacadda Cabmuud ee gobolka Awdal ayaa sanadkan waxaa ka qalin-jabinaya ardaydii ugu tirada badneyd abid ee jaamacadda ka qalin-jabisa.

Prof. Saleebaan Axmed Guuleed, oo la hadlay saxaafadda ayaa ka cudaddaartay inaan sanadkan kaararka xafladda jaamacadda loo heli karin sidii xilliyadii hore oo kale maadaama ardayda iyo waalidiintu ay aad u tiro badan yihiin:

“Tirada ardayda ugu badan ee Jaamacad tagta ayaa Camuud yimaadda waana xushmad iyo qadarin iyo kalgacayl aad u haysaan waxbarashada, Jaamacadda iyo ubadkiinaba. Sanadkan iyadoo ay nagu soo dhow xafladdii ayaa waxaan ogeysiinaynaa dadka gaar ahaan Boorama iyo meelahan dhowdhow ee Hargeysa iyo ay ka mid yihiin, in sanadkan ay ka baxayaan ardaydii ugu tirada badneyn ee Jaamacadda Camuud weli ka baxda oo ka qalinjabineysa kulliyadaha Under graduate iyo kuwa post graduate-kaba, waxaa aad iyo aad u batay dadkii, awal dadbaanu marti qaadi jirnay xushmad leh oo bulshada iyo annagaba qadarin naga mudan, sanadkan maadaama ay ardaydii aad u badatay, heelkii yaraa 2000 kun ayuu ku dhow yahay, waxa uu ku yaraaday ardayda iyo waalidiintii, xoogaa yar ee ka hartayna marti-sharaf ay xukuumaddu u badan tahay oo kooban runtii ayaa loogu talagalay, markaa sanadkan waan ka cudaddaaraneynaa.”

Xilliga ay xafladda qalin-jabita jaamacadda dhaceyso weli laguma dhawaaqin oo maamulka Jaamacaddu waxey sheegeen in gadaal laga soo sheegi doonto.

Si kastaba, Jaamacadda Camuud ayaa sanadkan waxaa ka qalin-jabineysa dufcadii 17aad, jaamacadda ayaa ah tan ugu faca weyn ee dagaalladii sokeeye ka dib laga yegleelo Somaliland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Maandeeq FM