500 oo Qof oo Ku Xayiran Buur Dusheed.. Waddo Ay Maraan Ayey La’yihiin Kadib Markii Dhulgariir uu Ku Dhuftay Gobolkii Ay Joogeen

500 oo qof oo dalxiisayaal ah iyo qofkii horjoogaha u ahaa ayaa ku xayiran Buurta “Rinjani” oo ah buur loo dalxiis tago oo ku taalla jasiiradda Lombok ee gudaha dalka Indonesia.

Jasiiradda ayaa waxaa ku dhuftay dhulgariir burbur weyn u geystay, waana sida ay ku dhawaaqeeyn maamulka jasiiradda Isniinta maanta ee July 30, 2018.

Dadkan ayaa loo diray helicopter-ro iyo kooxaha gurmadka degdegga ah si dadkaa dalxiisayaasha ah ee ku xayiran buurtan fulkaanada ah naftooda loo badbaadiyo.

Maamulaha dalxiiska ee Rinjani, ayaa yiri “Weli 560 qof ayaa ku xayiran” dhulka oo go’aya darteed ayaaney u soo laaban karin dadkaasi,  kadib markii dhulgariir awooddiisu tahay 6,4-darajo  uu ku dhuftay jasiiradda Axaddii shalay.

Howsha badbaadinta ayaa soconeysa illaa Talaadada berri ah, waa sida qorshaha badbaadinta dadkani uu yahay.

Dhulgariirka jasiiradda ku dhuftay ayaa argagax ku abuuray dadkii jasiiradda, waxey dibadda uga soo bexeen guryahooda iyo hotelladii ay daganaayeen.

Buurta Rinjani ayaa dhirirkeedu gaarayaa 3,726 mitir, waana goob dalxiis oo dadku ay beegsadaan si ay ugu dul socdaan oo ay u daawadaan muuqaalkeeda cajiibka ah ee dadka sida aadka ah u soo jiita.

Maandeeq FM