Madaxtooyada Somaliland oo Dhiirrigelin Loogu Sameeyay Arday Dhammeysay Qur’aanka Kariimka Ah

Madaxtooyada Somaliland ayaa dhiirrigelin loogu sameeyay arday dhammeysay Qur’aanka kariimka ah oo ka qalin-jabisay dugsiyada Qur’aanka ee Aflax oo ka mid ah dugsiyada ugu facaweyn sanadkanna 20 jirsaday.

Suldaan Sheekh Axmed Macallin Ibraahim, maamulaha guud ee dugsiyada Qur’aanka lagu xifdiyo ee “AFlax”, ayaa aad uga mahadceliyay maamuuska loo sameeyay:

“Mudane Madaxweyne aadbaan kaaga mahadcelinyanaa soo dhaweyntaa karaamada iyo weynaynta aad u sameysay Qur’aanka Kariimka ah ehelkiisa, Illaahay miisaanka xasaanadka ha kuu saaro, aakhiro iyo adduunba wax ku dhiba inaadan arkin. mu’asasada Aflax wey 20-jirsatay, waxbadan oo midho ah ayey dalka iyo dadkaba u soo saartay, taariikh dheer bay soo martay, meel heese ayey ka bilaabatay, maantana 3,500(Saddex kun iyo shan boqol) oo arday ayaa Qur’aanka kariimka ah ka dhigta mu’asasada intooda badanina ay yihiin agoon iyo fuqaro ay yihiin runtii. mudane madaxweyne Waxaan xoogga saarnaa maaha Qur’aanka Kariimka ah xifdigiisa oo kaliya, waxaan xoogga saarnaa in tarbiyo Islaami ah oo dhab ah la siiyo ardayga.”

Aadan Cabdullaahi Cabdulle, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta, ayaa dhankiisa soo dhaweeyay dhiirrigelinta uu madaxweynuhu u sameeyay ardayda, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa:

“Madaxweyne ka wasaarad ahaan waanu kaaga mahadnaqeynaa runtii in dhiirrigelinta noocaas oo kale ah aad u sameyso ardayda Jamhuuriyadda Somaliland, runtii ka wasaarad ahaan farxad bay noo tahay maadaama aan u igman nahay arrimaha diinta iyo faafinta diinteenna suuban.”

Muuse Biixi Cabdi, madaxweynaha Somaliland oo hadal jeedin kooban sameeyay ayaa tilmaamay iney ardayda ugu yeereen si ay ugu dhiirrigeliyaan waxbarashadooda iyo xifdiga ay qur’aanka kariimka ah u sameeyeen:

“Waxaan u hambalyeynayaa da’yarta aadka u yaryar ee Illaahay uu siiyay awoodda ay Qur’aanka ku qeybaan(ku xifdiyaan), waxaan kale oo aan u ducaynaan macallimiinta iyo shaqaalaha howshaa isku xil saaray ee gaadhay midhahaa iney soo saaranna aad iyo aad ayaan ugu hambalyeynaynaa, Illaahay karsiiyay ummaadda nabaddaa iyo iney Qur’aanka saa u baranno iyo daganaanshiyaha ina siiyayna waan u mahadnaqeynaa. Halkani waa xaruntii qaranka laga maamulayay, markaa caruurta quraanka qeybta in la sharfo oo qaranka xafiiska ugu sarreeya la keeno oo lagu bogaadiyay ayaan idinku yeedhnay, markaa ducadii Qaranka oo dhan ayaan idiin soo direynaa idinka iyo kuwa idinla midka ah ee qeybi doona.”

Si kastaba, Dhiirrigelintan loo sameeyay ardayda Qur’aanka Kariimka dhammeysay ayaa wax weyn ka tareysa iney arday badan ku dhiirradaan xifdiga Qur’aanka iyo iney sawaangsan u bartaan.

Maandeeq FM