Dalka Algeria oo Laga Helay Qolfoofka Maroodi Noolaa 3 Milyan oo Sanno Ka Hor!

Khubaro dagal-baarka ku xeeldheer oo baaritaan ka sameeyay Ain Lahnash oo ku taalla Gobolka Setif ee dalka Algeria, ayaa helay qolfoofka maroodi cimrigiisu yahay 3 milyan oo sano, waana lafo haraadi ah oo ka waqti dheer haraadigii horey loo helay oo dhan.

Sida uu sheegay Caalimka dagal-baarka ku xeelka dheer ee la yiraahdo “Ayman Amrafi“, maroodigan ayaa ku noolaa dhulka Waqooyiga Afrika iyo Algeria.

Sida uu qoray website-ka “oane.ws”, noocan maroodiga oo la yiraahdo “Stegodon“, ayaa ku noolaa Aisia markiisii hore, dhirirkiisa ayaa gaaraya 4 mitir halka ballaarkiisu yahay 8 mitir, foolkiisu waxa uu gaarayaa 8-mitir.

Tani maaha markii ugu horreeysay oo khubaro Algerian ah ay u suuragasho iney helaan haraadi layaabka leh oo noociisa oo kale aan dunida lagu arkin, sanadkii 1909 ayey  heleen looxaan naadir ah oo tilmaameysa habkii nolosha ee dadkii xilliyadii hore dunida ku noolaa.

Maandeeq FM