JaamacadahaWararkaWaxbarashada

Qalin-jabintaada Kadib Haddii Aad Shaqo Waydo Maxaad Sameyn Lahayd?

 

Markaad qalin-jibso oo aad jaamacadda dhammeyso, waxaa kuu bilaabanaya safar shaqo doon. waana arrin inta aad ku guda jirto aad la kulmayso dhibaatooyin farabadan, waa lagu diidi doonaa, suuqa shaqadu waa tartan u dhaxeeya dad tiro badan oo soo qalin-jabiyay, marka nasiibku ku saacido horey ayaad shaqo ka helaysa, haddii kalena xooga ayaad baagamuundo iska ahaaneysaa illaa aad shaqo ka heshana ma daalaysid.

Hadaba, si aad ugu naftaada ugu faa’idayso xilliga aad shaqo doonka tahay, waxaan kuu soo gudbineynaa 9 qodob oo aasaasi ah oo naftaada aad ku horumarin karto.

1- Yididiiladaadu yaaney kaa lumin

Waxaa lagama maarmaan ah inaan ka bilowno arrinta ugu muhiimsan. Waxaa muhiim ah inaad ogaato isla markaad qalin-jabiso iney arrinta la fili karo ay tahay inaad shaqo si degdeg ah u heli weydo, maadaama ay khibradaadu yar tahay, waa mushkilad caalami ah kaligaana kuma haysto dalkaaga oo qurana kama jirto. sidaa darteed, ha argagixin ahana murugoon, go’aankaaga ilaasho iyo yididiiladaada.

Inta aad shaqo raadiska ku jirto naftaada ku dadaal, sports ciyaar buugaag badan daalaco.. waxwalba oo kuu wanaagsan samee, caadooyinkaaga wanaagsan ilaasho, kor u qaad hamigaaga iyo halka aad tiigsaneyso.

2- Kharashaadkaaga Dhex Dhuuqsi ku samee 

Hadda adigu waxaad tahay qof qalin-jabiyay meel ay wax kaa soo galaan ma haysatid. inaad ehelkaaga ka madax banaanaato weli ma aadan gaarin, intii aad ehelkaaga aad dheeraad ka sii raadin lahayd oo aad isku dayi lahayd in kharashkaagu kordho, xakamee oo yaree intii suuraggal ah, markii aad shaqeysto adigaa noloshaada xor u ah.

3- Xiriirro badan yeelo

Inta aad shaqo raadineyso shaqo cusub isku day inaad dad badan barato, xitaa haddii aydaan isku takhasusu ahayn.

4- Waxbarashadaada sii wado

Waxbarashadu kuma dhammaato Bacholar oo qura, waxaad sii raadin kartaa mastres dgree iyo xitaa Ph.D, markaa labo faa’iido ayaad helaysaa waqtigaaga waad ka faa’ideysaneysaa qiimahaagana kor ayaad u sii qaadaysaa.

5- Xayndaabka baaritaankaaga kordhi

Sida badan, marka uu ardaygu qalin-jabiyo waa uu yaqaanna nooca shaqo ee uu raadsanayo. laakiin, marka ay bilow ka soo wareegato natiijo shaqana uu waayo, waxaa lagama maarmaan ah inaad ku fakarto shaqo kale oo ka duwan tan aad ku riyooneyso marka aad natiijo degdeg ah ka gaari weydo. shaqadii kale ee laguu soo bandhigo ee maquul ah yaaney si sahlan kuu dhaafin waxaa dhici karta inaan fursaddaasi mar labaad ku soo marin.

6- Fashilkaaga ka tillaabo qaad

Xilliga aad shaqo raadinta ku jirto naftaada horumari, haddii talooyin laguu soo jeediyo xilliga imtixaanka shaqada si dhab ah u qaado oo dhinica lagu yiraahdo iska dhis ku dadaal inaad ka kabato.

7- Tababaro oo Volunteer ku Shaqee

Qofku inuu xooggiisa tabaruco waxey ka mid tahay waxyaabaha faa’iidooyinka badan laga helo, ha noqon qof lacag ku shaqeeya oo qura, aragtidaada ballari, ku biir ururrada iskaa u qabso ku shaqeeya.

8- Shirkadaada gaarka ah bilow

Waxaa dhici karta inaad la yaabto soo jeedintan, waxaa dhici kara inaad istihaado malaa xilligeedii lama gaarin, laakiin dhab ahaan, haddii aad dooneyso inaad si iskaa ah u shaqeysato aadna haysato fikaraddii aad wax ku bilaabi lahayd, waa arrin wanaagsan, bedelkii aad shaqo raadin lahayd ayaad adigu shaqo abuur yeelanaysaa, oo dad badan ay sababtaada ku shaqo helayaan. ogow waxaa jira mashaariic badan oo ra’samaal xooggan aan u baahneyn oo shirkadaha yaryar lagu abuuro.

9- Sameyso Blog-gaaga kuu gaarka ah

Internet-ka waa ballaran yahay, macluumaad badan ayaad ka helaysaa, sidaas oo kalena waxaad ka sameyn kartaa inaad fikaradaada ku faafiso oo aad soo jiidato akhristayaal kuu gaar ah, ogow xilli kasta oo noloshaada ka tirsan inuu muhiim kuu yahay, sidaa darteed, halka aad ku wanaagsan tahay raadi oo dadka kale uga faa’iidee.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close