Qasriga Adduunka Ugu Qaalisan ee “Riyooyinka” oo La Iibinayo

Grand Marnier ayaa soo bandhigay iibka Qasri “Les Cèdres” oo cimrigiisu yahay 187-sano, badkiisuna uu gaarayo 1672-mitir square ah, qasrigan qiimaha iibsigiisu waxa uu ka kacayaa 411 milyan oo dolar.

Qasrigan oo ku yaalla Riviera xeebta Azure ee kaabiga ku haysa badda Mediterranean Sea, ayaa la dhisay sanadkii 1830, waxaana la iibiyay sanadkii 1850 oo laga iibiyay duqii gobolka oo ku beeray saytuun. Halka mar kale laga iibiyay sanadkii 1904 boqorkii Belgiam King Leopold ll (1909-1865).

Qasriga “riyooyinka”, ayaa waxa uu leeyahay 14 qol hurdo iyo hool xafladaha loogu talagalay, barkad dabbaal iyo xero loogu talagalay iney qaaddo 30 faras.

Filladan ayaa waxaa ku yaalla beer ka mid ah beeraha ugu wanaagsan Yurub, waxaa ku yaalla 15-kun oo nooc oo dhir ah iyo 20 goobood oo kale oo dhirta cimillida kulul ku baxda ah.

Qasrigan ayaa sidoo kale aad loo qurxiyay, waxaana yaalla sawirro faneedyo la sameeyay Qarnigii 19aad oo aad u qurux badan.

Qasrigani waxa uu leeyahay maktabad ballaaran oo looxaan laga sameeyay, waxaa yaalla 3 kun oo buug oo ka hadlaya cilmiga dhirta iyo culuumta kale ee sayniska, waxaa ka mid ah buug aad u weyn oo taariikhii la qoray ay ahayd 1640, lacagtiisuna ay tahay Boqolaal kun oo dollar, qiimaha uu leeyahay darteed.

Embed from Getty Images

Maandeeq FM