Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Waxbarashada XFS oo Nooga Warramay Sababihii Xilka Looga Qaaday

MAANDEEQ FM SCREEN GRAB

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa markii ugu horreysay ka hadlay sababihii xilka wasaaradda looga xanyuubiyay.

Wasiirka oo maanta nagu soo booqday xarunta dhexe ee Goobjoog Media Group oo Maandeeq FM ay ku taallo ayaan weydiinnay su’aal ku aaddaneyd sababaha uu is leeyahay in xilkii wasaaradda looga qaaday, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

“Aniga ma caddeyn karo oo hal sabab ma sheegi karo, laakiin waxaan dhici karta waxbadan oo isbiirsaday iney jiraan, sida; qofka hadal uu yiri oo khalad loo fahmay, shaqo gudasho la’aan ama cadaadis siyaasadeed oo kale.”

Wasiir Cabdiraxaan oo wareysi gaar ah siiyay TV “Somali Cable” July 22, 2018 ayaa sheegay in jaamacadaha dalka ka jira aaney jirin mid uu is dhihi karo waxey leedahay tayadii loo baahnaa, si ay wasaaraddiisu u aqoonsato, maadaama tayadii loo baahnaa aan weli la isla meel dhigin cidina aaney iskaga imaan, iyadoo hadalkaa loo fasirtay in aaney jirin jaamacad ay wasaaradda waxbarashada aqoonsan tahay oo dalka ka jirta.

Xil ka qaadisitii wasiirka maalin kadib, Ra’isul-wasaare Khayre oo warbaahinta dowladda la hadlay ayaa sheegay in shahaadooyinka jaamacadaha ay bixiyaan ay aqoonsan yihiin, laakiin loo baahan yahay iney jaamcaduhu tayadooda hagaajiyaan, taas oo ka dhigan in wasiirka hadalkiisii oo si khaldan loo fahmay xilka looga qaaday.

Si kastaba, July 26, 2018 ayaa wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’isul-wasaaraha XFS  xilkii wasaaradda waxbarashada looga qaaday wasiirkii wasaaradda waxbarashada Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan, iyadoo xilkaa si ku meel gaar ah loogu sii dhiibay Wasiiru-dowlahii wasaaradda.

Maandeeq FM