arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Sweden oo Laga Xaday Taajaj Boqortooyo oo “Lacag Goysaa” Aaney Jirin!

Dalka Sweden waxaa heegan la geliyay ciidamada dhulka, badda iyo cirka, si loo qabto labo nin oo xaday taajaj boqortooyo oo la sameeyay Qarnigii 17aad iyo hanti kale oo qaali ah oo kaniisad taallay, Talaadadii July 31, waxeyna ku carareen laash yar oo u diyaarsanaa.

Dhacdadan ayaa u eeg sida tan aflaamta Bollywood-ka oo kale, waxey kaga duwan tahay iney tahay fal-dambiyeed si dhab ah u dhacay. Labadan tuug ayaa kaniisadda ka soo galay dhanka koonfur bari, waxeyna xadeen taajaj qoyska boqortooyada ay lahaayeen oo Qarnigii 17aad ahaa: waxey xadeen taaj uu lahaa boqor Carl(Charles) IX, iyo mid ay lahayd boqorradii Christina, waxaa u sii raacsan kubad dahabi ah oo astaan dhaqan u ahayd awoodda boqortooyada.

Booliska ayaa sheegay in “Taajajka la xaday lacag lagu qiimeyn karaa aaney jiirn oo hanti dalka uu leeyahay ay yihiin.”.

Markii xatooyadani ay dhacysay Talaadadii, ayaa shaqaaluhu ay ku sugnaayeen goobta,  labada tuug waxey ku boodeen laash yar oo biyaha kaniisadda u dhow ugu diyaarsanaa.

Booliska ayaa shacabka ugu baaqay iney tuugadaa wixii macluumaad ah ee ay ka helaan ay la soo wadaagaan. illaa hadda cayrsigii wuu socdaa tuugada lagu baadi goobayay.

Waxaa xusud mudan, in boqoradda Christina oo Sweden xukuntay 1632-1654 iyo Carl IX oo isna dalkaa xukumayay intii u dhaxeysay sanadkii 1602 -1611, la aasay iyagoo wata labada taaj ee ay hadda tuugadu xadeen, laakiin waxaa markii dambe la soo dhigay mutxaf kaniisadda laga xaday ku yaalla oo ay dadku ka daawan jireen.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close