WararkaWaxbarashada

Abaalmarin Caalami ah oo Laga Xaday Caalim Xisaabeed oo Ku Sugnaa Xaflad Ka Dhaceysay Rio de Janeiro

Caalim Kurdish ah oo ku guuleystay abaalmarinta biladda “Fields Medal” ee loo yaqaanno ‘Nobel Prize Xisaabta’, ayaa laga xaday billaddii uu ku guuleystay isagoo weli aan ka bixin hoolkii uu ku guddoomay oo ku yaallay magaalada labaad ee ugu dadka badan Brazil ee Rio de Janeiro, Arbacadii shalay.

Qabanqaabiyayaasha xafladda abaalmarinta ayaa sheegay in caalimka Caucher Birkar oo ah macallin wax ka dhiga jaamacadda Cambridge uu billadiisa dahabiga ah uu gashaday boorso markii uu guddoomay, wax yar kadibna laga xaday.

Mas’uul amni oo ka tirsan hoolka shirarka ee “Riocentro” ayaa helay boorsada oo maran meel gees ahna lagu tuuray, kadib markii kaamiryooyinka dib loo eegay waxaa la calaamadeeyay labo nin oo laga shaki san yahay iney boorsadaa xadeen.

Maamulkii abaabulka xafladda oo bayaan soo saaray ayaa yiri: “Ururuka caalamiga ah ee Xisaabta waxa uu ka xun yahay boorsada caalimka Caucher Birkar ee la xaday, waxaa ku jiray bilad sharafkii ‘Fields’ oo xafladda laga guddoonsiiyay.”

Waa markii ugu horreysay ee xaflad abaalmarinnada xisaabta lagu qabto Latin America, iyadoo 4-sanaba mar la qabto.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close