Cabtiraan Meel Kasta Laga Heli Karo oo “Af Urka” Lagula Dagaallamo

Daraasad cusub oo dhawaan laga sameeyay Jaamacadda Munich ee dalka Jarmalka ayaa lagu ogaaday in shaaha sanjabiisha leh uu afka ka gooyo urta.

Madada kiimikeed ee la yiraahdo “Gingerol“, taas oo sanjabiisha u yeesha kuleylka ayaa dhiirrigelisa dheecaan afka ku jira oo burburinaya walxaha afka uriya, afkana nadiifinaya 16-jeer ilbiriqsiyo gudahood.

Cilmi-baarayaashu waxey ku talinayaan in la isticmaalo daawada ilkaha ee sanjabiisha leh si looga dheerado waxyaabaha af urka keena. waxeyna ogaadeen in heerka dheecaanka “sulfhydryl oxidase 1“, uu kor u kaco 16 laab ilbiriqsiyo ka dib marka uu qofku qaato “Gingerol” laga helo sanjabiisha.

Laakiin, khubaradani ma aaney helin isticmaalka sanjabiisha loo baahan yahay inta ay gaarsiisan tahay, si loo helo saameyntii loo baahnaa ee af urka lagula dagaalami lahaa.

Dhanka kale, daraasad cusub oo soo baxday bishii May ee sanadkan ayaa hoosta ka xarriiqay in caruurta calooshu xanuuneyso iyo kuwa matagaya in dhibco sanjabiil ah la siin karo si looga khafiifiyo matagga.

Maandeeq FM