Ka Dib Muddo Dheer oo La Sugayay..  Dadbadan oo Marqura Muuqaal Ku Wada Sheekeysan Kara “WhatsApp”

Shirkadda WhatsApp ayaa ku dhawaaqay in wada sheekaysi kooxeedka muuqaalka ah loo sii daayay labada nidaam iOS iyo Android laga bilaabo Talaadadii la soo dhaafay, waa sida uu qoray website-ka “The Verge“.

Wada sheekaysi kooxeedkan muuqaalka ah ayaa markiiba waxaa ku wada sheekaysan kara 4 qof, iyadoo aaney muhiim ahayn halka ay kala joogaan.

Adeeggan ayaa loo qaabeeyay inuu ku suuraggeli karo internet-ka daciifka ah, iyadoo qofka qaraabada kula ah ee meel fog jooga aad kula xiriir karto.

Shirkadda WhatsApp ayaa ku dhawaaqaday xilli sii horreysay oo sanadkan ah in dadka ku xuran ay gaarayaan 1.5 billion oo qof oo si joogta ah u isticmaala, sidaa darteed dadbadan ayaa isku dayi doona iney ku xiriiraan adeeggan cusub ee wada sheekaysi kooxeedka muuqaalka ah ee ay shirkaddu soo kordhisay.

WhatsApp ayaa wada sheekaysiga muuqaalka ah lagu soo kordhiyay sanadkii 2016, halka xiriirka codku uu ahaa 2014, dadka isticmaala adeeggan maalintii labo billion oo daqiiqo ayey ku wada sheekaystaan gudaha WhatsApp.

Maandeeq FM