WararkaWaxbarashada

Somaliland: Is-Afgaranwaagii u Dhexeeyay W.Waxbarashada iyo Iskuullaadka Gaarka Loo Leeyahay oo Lasoo Afmeeray

Kulan ay ka qeybgaleen madaxda ugu sarreysa ee wasaaradda waxbarashada Somaliland, wasaaradda arrimaha gudaha, maamulka dowladda hoose ee Hargeysa, taliska booliska, maamulayaasha dugsiyada waxbarasho ee gaarka loo leeyahay, ayaa lagu soo afjray khilaaf maalmihii ugu dambeeyay u dhaxeeyay wasaaradda waxbarashada iyo iskuullaadka gaarka loo leeyahay oo isku diidanaa xilliga rasmiga ah ee iskuullaadka dib loo furayo sanad dugsiyeedka 2018/2019.

Maamulaha guud ee iskuullaadka Nuuraddiin Mahad Ibraahim Maxamed, ayaa ka cudaddaartay hadallo ka soo yeeray dugsiyada gaarka loo leeyahay oo loo arkay inaaney u cuntamin wasaaradda waxbarashada:

“Annagu murabbiyiin baanu nahay, mucallimiin baanu nahay, inaan sidii dadkii makarafoonnada wax isku marin jiray iyo shaashadaha, arrintaasi khalad farsamo ayey u dhacday, xaal iyo apology iyo raalligelin buuxdana waan ka bixinnay.”

Wasiirka waxbarashada iyo sayniska Yaasiin Xaaji Maxamamuud Xiir ‘Faratoon’ ayaa sheegay iney soo hormariyeen xilligii furitaanka iskuullaadka kadib markii ay tixgeliyeen cabashadii soo gaartay ee dhana iskuullaadka gaarka loo leeyahay:

“Waxaanu isla garannay markii aan dhinac walba ka eegnnay, markii aanu tixgelinnay duruufo badan oo ay soo jeediyeen, markii aan eegnay qudhadkayagu dhaliilo aanu is leenahay arrimo loo baahnaa inaanu ka taxadarno oo meesha ku jiray oo ay ka mid ahayd waqtiga aanu sheegnnay ee amarka soo saarnay oo waqti yara dambeeya ahaa, waxyaabo badan markii aanu tixgelinnay, waxaanu isla garannay oo aanu ogolaannay inaanu horey u soo qaadno waqtigii iskuullada la furayay, meeshii awal bisha September 1 ka iclaaminnay waxaanu ka dhignay bishan 11-keeda, waana sanadkan 2018 ayey ku kooban tahay arrintan.”

Si kastaba, Maamulayaasha iskuullaadka gaarka loo leeyahay oo ka cabanayay xilliga wasaaradda waxbarashada Somaliland ay ku dhawaaqday in iskuullaadka la furayo sanad dugsiyeedka 2018/2019 oo ku beegnaa September 1,  ayaa dhaliil u soo jeediyay wasaaradda waxbarashada go’aanka halka dhinac ah oo ay qaadatay iyadoo aan tixgelin duruufaha gaarka ah oo ay ku shaqeeyaan.

Maandeeq FM 

Show More

Related Articles

Close