Eedaysane Aamus Laga Kari Waayay oo Garsoorihii Si Layaab leh Uga Aargoostay! (Muuqaal)

Garsoore Mareykan ah ayaa amar ku bixiyay in afka laga sharooteeyo eedaysane aamus laga kari waayay intii uu socday fadhigii lagu dhageysanayay go’aankii maxkamadda ee dacwaddii loo haystay.

Garsoorahan oo la yiraahdo “Judge John“, ayaa booliska ku amray iney afka sharooteeyaan eedaysanaha oo dhowr jeer diiday inuu u hoggaansamo anshaha maxkamadda inuu aamusuna lagu kari waayay.

Eedaysanaha oo la yiraahdo Franklyn Williams, ayaa lagu riday xukun 24 sano ah oo xabsi ah, ka dib markii lagu helay dambiyo kala duwan oo iskugu jira dhac hubeysan iyo haysasho hub sharcidarro ah.

Maandeeq FM