Maxaad Kala Socotaa Qisada Wejiga Ugu Caansan Dunida Internet-ka!

Saawirka ugu caansan internet-ka ee waxyabaaha fanny-ga loo isticmaalo waxaa laga qaaday laacibkii hore ee kubadda Koleyga ee dalka Shiinaha “Yao Ming“, xilli ay shir jaraa’id wada qabanayeen saaxiibkii ay isku koox ahaayeen oo la yiraahdo “Ronald William Artest” bishii May sanadkii 2009, kaamirooyinka ayaa qabtay laacibka oo si aad ah u qoslaya.

Sanadkii 2010, ayaa sawiraa caan ku ah sameynta kaartoonka oo la yiraahdo “Downlow” sawirkaa uu u bedelay sawir kaartoon si aad ah loogu adeegsaday sameyta comics-ka internet-ka iyo Baraha-bulshada oo loo isticmaalo waxyaabaha jeesjeeska leh ee lagu qoslo.

Yao Ming, (waxa uu dhashay September 12, 1980, Shanghai, China), waa laacib hore oo kubadda koleyga, waxa uu noqday laacib caalami ah , waxa uu u ciyaaray kooxda Houston Rockets ee NBA Mareykanka ka ciyaarta. waxaa dhalay hooyo iyo aabbo labaduba basketball-ka soo ciyaaray.

Maandeeq FM