Wax Ka Ogow.. Dhibaatada Iska Dhaadhicinta Madaxdu u Leedahay Shaqada

Cilmi-baarayaal ku takhasusay cilmi-nafsiga dhaqanka oo ka tirsan kulliyadda Business-ka ee jaamacadda Oregon ee dalka Mareykanka ayaa ogaaday in iska dhaadhicinta shaqaalaha ee madaxda shaqada uu natiijo taban oo aan wanaagsaneyn u keeno wax-soo-saarka shirkadda.

Cilmi-baarayaashan oo uu hoggaaminayay “Anthony Klutz”, waxey dhiraandhiriyeen dhaqanka 75 shaqaale oo ka howlgala shirkadda Software-ka ka ganacsata oo Chinese ah.

Natiijada daraasaddan oo lagu faafiyay “Journal of Applied Psychology“, ayaa lagu ogaaday in aaney jiri wax ka xun iska dhaadhicinta shaqaalaha ee maamulayaasha iyo mas’uuliyiinta shaqada ay u sameeyaan, waxaa hoos u dhacay wax-soo-saarkooda si aad u weyn haddii sida ay rabaan ay u hirgasho oo saaxiibtinno ay ka dhex sameysanto shaqaalaha iyo maamulayaasha shirkadda.

Waxaa caddaatay in kuwa markasta ku fakara iney raalligeliyaan mas’uuliyiin iyo maamulayaash oo mar kasta ku mashquulasan iska dhaadhicin tooda xilliyada qaarna hadiyado u geeya, uu hoos u dhaco heerka wax-soo-saarkooda shaqo, sababtana waa tamarta ay ku bixinayaan iska dhaadhicinta iyo is-jeclaysiinta mas’uuliyiinta oo wax badan ka lumineysa.

Sidaas oo kale, iska dhaadhicinta ugu dambeyn waxey qofka u keentaa dareen aan wanaagsaneyn isagoo dareema gaab gudaha naftiisa ah uu ka dareemayo oo saameyn taban oo aan wanaagsaneyn ku yeelanaya jirkooda.

Qofku marka uu isku arko inuu dhanka madaxda ka dhisan yahay, waxa uu mashaakil badan la galayaa saaxiibadiisa shaqada oo khilaaf joogta ah uu dhex marayo, arrintaas oo luminsay u soo jeedkii qofku uu shaqadiisa xoogga saari lahaa maadaama uu dad kale ku mashquulsan yahay, arrintaas oo wax-soo-saarkii guud hoos u dhigaysa.

Maandeeq FM