WararkaWaxbarashada

Carlos Santamaria.. Da’yar Caqli Badan oo Jaamacad Ku Fariistay 12-jir

Jaamacadda National Autonomous University ee gudaha dalak Mexico ayaa sheegtay iney aqbashaday dalabka arday 12-jir ah oo dhiganaya undergraduate degree oo loo qaatay kulliyadda Biomedical physics-ka.

Jaamacaddan oo ku caan ah magaca UNAM ayaa Khamiistii sheegay in Carlos Santamaria Diaz uu yahay ardaygii ugu da’da yaraa ee abid jaamacadda fariista.

Santamaria ayaa ka gudbay imtixaanka qabuulka jaamacadda, waxa uu daraasad ku sameeyay kulliyada Chemistry-ga, xarunta sayniska genetics-ka.

Sagaal jirkiisii ayuu ka qeybgalay barnaamij jaamacadeed oo analytical chemistry, biochemistry iyo bilology ka koobnaa.

Jaamacadda UNAM waxey sheegtay in ardayga wax loo bari doono sida caadiga ah ee gudaha jaamacadda wax looga barto iyadoo tixgelin gaar ah aan loo fidineyn ardaygan da’da yar.

Safaaradda Mareykanka ee gudaha dalka Mexico ayaa u hambalyaysay canugan yar oo ay ku tilmaantay inuu yahay mid hibo leh iyo Mexican yar.”

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close