Jaamacad Japanese ah oo Ku Falaadda Natiijada Imtixaanka Qabuulka Ardayda

Jariidada “Yomiuri online” ee ka soo baxda dalka Japan ayaa sheegtay in Jaamacadda Tokyo ee caafimaadka ay muddo dheer ku falaadaysay natiijada imtixaanka qubuuka jaamacadda oo loogu eexanayay wiilasha.

Sida ay jariidada Japanese-ka  ay sheegtay, caalamadaha ardayda ayaa lagu falaadayay si wiilasha loosoo dhaweeyo gabadhahana oo fogeeyo laga bilaabo sanadkii 2011, si caddaan ah ayaa loo arki karay in gabdhuhu ay noqdeen kuwo ka imtixaan sarreeya wiilasha, tusaale ahaan; tirada gabadhaha ee la qaato waxey noqotay 40% sanadkii 2010, halka sannooyinkii ka horreeyay ay labo laab ka hooseeyeen.

Jariidada oo soo xiganeysa ilo gudaha jaamacadda ka tirsan, macallimiintii jaamacadda waxey bilaabeen sanadkii 2011 iney yareeyaan tirada gabdhaha ee la qaadanayo iyagoo si bareera su’aalaha oral ka ah ugu adkeeya gabdhaha oo la weydiiyo su’aalo ka baxsan heerkooda aqooneed, si natiijadu u noqoto tirada gabdhaha ee la qaataa 30%, halka wiilashu ay yihiin 70%.

Ila wareedyada la helayaa waxey caddeeyeen in sababta ay macallimiintii dhanka wiilasha ugu janjeeraan ay tahay in gabadhahu ay shaqada ka tagaan markii ay helaan guur oo ay u go’aan shaqada guriya iyo ilmo koron, halka wiilashu ay mihnadooda ka shaqeeyaan illaa ay howlgab ka noqdaan.

Jariidada Yomiuri, waxey hoosta ka xarriiqday in xeer-ilaalintu Tokyo uu arrinta ka furay  baaritaan garab socda mid kale oo maamulka jaamacaddu uu ka wado gudaha jaamaacadda.

Maandeeq FM